Daaniyeel 12:4
Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.
Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5¶ Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.
6Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?
7Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.
8Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?
9Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.
10Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona.
11Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.
12Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.
13Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.
26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.
27Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.
1¶ Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.
2Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
3Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood.
11Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.
12Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
10¶ Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.
35Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.
28Waa kan xaalka dabaadigiisii. Aniga Daanyeel ah, fikirradaydu aad bay iiga argaggixiyeen, wejigaygiina waa beddelmay, laakiinse qalbigaygaan ku hayay.
28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.
18inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
20Daanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;
21oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.
19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.
32Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.
33Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.
17Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.
3Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan.
14Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
15¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),
12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.
7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.
14Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.
22Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.
30Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.
16¶ Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.
23Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.
2Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa.
40Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.
4Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.
1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.
3Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
17Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel.
12Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.
14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.
24Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.