Ishacyaah 29:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:16 : 16 ¶ Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.
  • Daan 12:4 : 4 Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.
  • Mat 13:11 : 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.
  • Daan 12:9 : 9 Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.
  • Mat 11:25 : 25 ¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.
  • Mat 16:17 : 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.
  • Muj 5:1-9 : 1 ¶ Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood. 2 Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa? 3 Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. 4 Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. 5 Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba. 6 ¶ Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan. 7 Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa. 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta. 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
  • Muj 6:1 : 1 ¶ Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 29:12-15
    4 aayado
    88%

    12Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.

    13¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,

    14sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.

    15¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?

  • Ish 29:9-10
    2 aayado
    84%

    9¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.

    10Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.

  • 18Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.

  • 9Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.

  • Ish 6:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.

    10Dadkan qalbigooda ka dhig mid qallafsan, dhegahoodana kuwa dhib wax ku maqla, indhahoodana kuwa xidhan, si aanay indhaha wax ugu arkin, oo aanay dhegaha wax ugu maqlin, oo aanay qalbiga wax ugu garan, oo aanay u soo noqon, oo aanay u bogsan.

  • 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

  • Ish 42:18-20
    3 aayado
    73%

    18¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.

    19Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga?

    20Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.

  • Miik 3:6-7
    2 aayado
    72%

    6Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga.

    7Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid.

  • 26oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

  • 10oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.

  • Yex 2:9-10
    2 aayado
    71%

    9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.

    10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • 8sida qoran, Ilaah wuxuu iyaga siiyey maskax hurudda, iyo indho aanay waxba ku arkin, iyo dhego aanay waxba ku maqlin, ilaa maalintatan.

  • 18Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 21Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:

  • 4Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.

  • 16Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,

  • 4laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.

  • 13Sidaas daraaddeed erayga Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa amar amar lagu daray, iyo amar amar lagu daray, qaynuun qaynuun lagu daray, iyo qaynuun qaynuun lagu daray, halkan in yar, halkaasna in yar, si ay intay tagaan dib ugu dhacaan, oo ay u jajabaan, oo ay dabin ugu dhacaan, oo ay u noqdaan kuwa la qabtay.

  • 26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.

  • 16¶ Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 10¶ Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.

  • 27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.

  • Yer 29:19-20
    2 aayado
    69%

    19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

    20Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

  • 10Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.

  • 9Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?

  • 7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.

  • 11Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan

  • 16Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.

  • 10Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.

  • 29Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno.

  • 2Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey.

  • 7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?

  • 11Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.

  • 8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.

  • 16Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,

  • 6Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.