Daaniyeel 5:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 62:9 : 9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
  • Ayuub 31:6 : 6 (Ha laygu miisaamo miisaan siman, Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )
  • Yer 6:30 : 30 Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
  • Yex 22:18-20 : 18 Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen. 20 Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa.
  • Mat 22:11-12 : 11 Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin, 12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
  • 1 Kor 3:13 : 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 5:22-26
    5 aayado
    88%

    22¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd;

    23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

    25¶ Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.

    26¶ Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey.

  • 28FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris.

  • Daan 5:5-6
    2 aayado
    72%

    5¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.

    6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

  • 31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • Daan 2:36-37
    2 aayado
    70%

    36Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

    37Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

  • Miik 6:10-11
    2 aayado
    70%

    10Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?

    11Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?

  • Daan 2:28-32
    5 aayado
    70%

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

    29Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

    30Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.

    31Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.

    32Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.

  • Daan 5:14-15
    2 aayado
    69%

    14Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan.

    15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.

  • Sak 5:6-8
    3 aayado
    69%

    6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

    7Oo bal eeg, waxaa kor loo qaaday wax culus oo laxaamad ah, oo waxaa jirtay naag eefaahda dhexdeeda fadhida.

    8Oo haddana wuxuu igu yidhi, Tanu waa xumaan. Kolkaasuu iyadii hoos ugu riday eefaahda dhexdeeda, oo wuxuu ku daboolay wixii cuslaa oo laxaamadda ahaa.

  • Daan 4:24-28
    5 aayado
    69%

    24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

    25Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

    26Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

    27Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

    28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

  • 30Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.

  • 22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

  • 1Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.

  • 11Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.

  • 13¶ Waa inaadan kolaygaaga ku haysan miisaanno kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.

  • 13Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.

  • 17¶ Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

  • 39Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.

  • 9Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.

  • 18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

  • 9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.

  • 25Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.

  • 13Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.

  • 5Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.

  • 23Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

  • 5Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.

  • 18Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?

  • 10Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

  • 19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

  • 28Waa kan xaalka dabaadigiisii. Aniga Daanyeel ah, fikirradaydu aad bay iiga argaggixiyeen, wejigaygiina waa beddelmay, laakiinse qalbigaygaan ku hayay.

  • 24Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay.