Daaniyeel 5:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 13:17 : 17 Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin.
  • Daan 6:28 : 28 Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
  • Ish 21:2 : 2 Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey.
  • Daan 5:31 : 31 Oo Daariyus oo ahaa reer Maaday oo laba iyo lixdan jir ahaa, ayaa boqortooyadii qabsaday.
  • Daan 9:1 : 1 ¶ Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,
  • Ish 45:1-2 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin: 2 Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa,
  • Daan 8:3-4 : 3 Markaasaan indhahaygii kor u qaaday, oo waxaan arkay wan laba gees leh oo webiga hortiisa taagan; oo labada geesna way dheerdheeraayeen, laakiinse mid baa ka dheeraa midka kale; oo kii dheeraa baa markii dambe soo baxay. 4 Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.
  • Daan 8:20 : 20 Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 5:23-27
    5 aayado
    80%

    23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

    25¶ Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.

    26¶ Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey.

    27TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.

  • Daan 5:29-31
    3 aayado
    76%

    29Markaasaa Beelshaasar amar bixiyey, oo waxay Daanyeel u xidheen dhar guduudan, qoortana waxaa loo geliyey silsilad dahab ah, markaasaa la naadiyey inuu noqonayo taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

    30Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.

    31Oo Daariyus oo ahaa reer Maaday oo laba iyo lixdan jir ahaa, ayaa boqortooyadii qabsaday.

  • 31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

  • Daan 5:5-9
    5 aayado
    73%

    5¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.

    6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

    7¶ Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

    8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.

    9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.

  • Daan 11:2-4
    3 aayado
    73%

    2¶ Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.

    3Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.

    4Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

  • 39Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.

  • Daan 2:36-37
    2 aayado
    72%

    36Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

    37Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

  • 28Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.

  • Daan 5:15-18
    4 aayado
    72%

    15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.

    16Laakiinse waxaa la iiga kaa sheegay inaad wax fasiri kartid, shakigana saari kartid; haddaba haddaad farta akhriyi kartid oo aad fasirkeeda caddayn kartid, waxaa lagu xidhi doonaa dhar guduudan, waxaad qoortana ku qabi doontaa silsilad dahab ah, oo waxaad noqon doontaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

    17¶ Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

    18¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

  • Daan 8:19-20
    2 aayado
    72%

    19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

    20Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.

  • 28Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.

  • Daan 4:26-28
    3 aayado
    71%

    26Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

    27Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

    28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

  • Daan 6:8-9
    2 aayado
    71%

    8Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.

    9Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.

  • 24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

  • 15Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.

  • 1¶ Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

  • 5Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.

  • 18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

  • Daan 2:28-29
    2 aayado
    69%

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

    29Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

  • 25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,

  • Daan 8:22-23
    2 aayado
    69%

    22Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.

    23Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil.

  • 45Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

  • 22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

  • 25¶ Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato.

  • 20Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,

  • 12Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.