Daaniyeel 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 4:13 : 13 Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.
  • Daan 9:27 : 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
  • Luuk 21:24 : 24 Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
  • Muj 6:10 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
  • Muj 11:2 : 2 Oo barxadda macbudka dibaddiisa ku taal iska daa, oo ha qiyaasin; waayo, iyada waxaa la siiyey quruumaha; oo magaalada quduuska ahna waxay ku tuman doonaan intii laba iyo afartan bilood ah.
  • Ish 63:18 : 18 Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.
  • Cib 10:29 : 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
  • 1 But 1:12 : 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.
  • Daan 11:31 : 31 Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.
  • Sab 79:5 : 5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
  • Ish 6:11 : 11 Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,
  • Ish 9:6 : 6 Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
  • Sharc 33:2 : 2 Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
  • Xaak 13:18 : 18 Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?
  • Sab 74:9 : 9 Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
  • Daan 4:23 : 23 Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,
  • Daan 7:16 : 16 Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.
  • Daan 7:23 : 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.
  • Daan 8:11-12 : 11 Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray. 12 Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.
  • Daan 12:5-6 : 5 ¶ Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe. 6 Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?
  • Daan 12:11 : 11 Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.
  • Sak 1:9-9 : 9 Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin. 10 Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan. 11 Oo iyana waxay u jawaabeen malaggii Rabbiga oo geedaha hadaaska ah dhex taagnaa oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulkii hore iyo dibba waannu u dhex marnay, oo bal eeg, dhulkii oo dhammu wuu deggan yahay oo wuu xasilloon yahay. 12 Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?
  • Sak 1:19 : 19 Oo anna waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Waa maxay kuwanu? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemba.
  • Sak 2:3-4 : 3 Oo bal eeg, malaggii ila hadlay ayaa baxay, oo malag kale ayaa u baxay inuu isaga ka hor tago. 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.
  • Sak 14:5 : 5 Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.
  • Mat 11:27 : 27 ¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Mat 24:15 : 15 ¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),
  • Mark 13:14 : 14 ¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
  • Luuk 10:22 : 22 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Luuk 21:20 : 20 ¶ Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.
  • Yuud 1:14 : 14 ¶ Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,
  • Yoox 1:18 : 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
  • 1 Tes 3:13 : 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 8:14-17
    4 aayado
    84%

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.

    15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

    16Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.

    17Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.

  • Daan 8:9-12
    4 aayado
    81%

    9Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa.

    10Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.

    11Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.

    12Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.

  • 77%

    11Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.

    12Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.

  • 31Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

  • Daan 9:26-27
    2 aayado
    73%

    26Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.

    27Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.

  • Daan 12:6-9
    4 aayado
    73%

    6Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?

    7Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.

    8Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?

    9Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.

  • 24Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.

  • Daan 7:25-27
    3 aayado
    71%

    25Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.

    26Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.

    27Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.

  • Daan 7:18-23
    6 aayado
    70%

    18Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba.

    19Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,

    20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.

    21Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;

    22ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.

    23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

  • 26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.

  • Daan 7:11-13
    3 aayado
    70%

    11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.

    12Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.

    13Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.

  • 23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • Daan 8:23-24
    2 aayado
    68%

    23Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.

    24Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.

  • Daan 7:15-16
    2 aayado
    68%

    15¶ Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

  • 14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.

  • 19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

  • 6Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn.

  • 15¶ Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

  • 12Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?

  • Muj 11:2-3
    2 aayado
    67%

    2Oo barxadda macbudka dibaddiisa ku taal iska daa, oo ha qiyaasin; waayo, iyada waxaa la siiyey quruumaha; oo magaalada quduuska ahna waxay ku tuman doonaan intii laba iyo afartan bilood ah.

    3Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba.

  • 21intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay.

  • Muj 13:6-7
    2 aayado
    67%

    6Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.

    7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

  • 3Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.

  • 8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.

  • 13Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.

  • 11Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,