Daaniyeel 12:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 9:2 : 2 Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.
  • Daan 8:13 : 13 Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
  • Daan 8:16 : 16 Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.
  • Sak 1:12-13 : 12 Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd? 13 Markaasaa Rabbigu malaggii ila hadlay ugu jawaabay erayo wanaagsan oo qabow.
  • Ef 3:10 : 10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
  • 1 But 1:12 : 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.
  • Muj 6:10 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
  • Muj 10:2-5 : 2 oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka, 3 oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen. 4 Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin. 5 ¶ Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,
  • Muj 15:6 : 6 Markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay toddobadii malaa'igood oo haystay toddobada belaayo, oo waxay qabeen dhar daahir ah oo dhalaalaya, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suuman dahab ah.
  • Muj 19:14 : 14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.
  • Daan 10:5-6 : 5 ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay; 6 jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood.
  • Sab 74:9 : 9 Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 12:7-13
    7 aayado
    87%

    7Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.

    8Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?

    9Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.

    10Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona.

    11Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.

    12Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.

    13Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.

  • Daan 12:4-5
    2 aayado
    77%

    4Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.

    5¶ Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.

  • 19Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.

  • Daan 7:15-16
    2 aayado
    71%

    15¶ Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

  • Daan 8:13-17
    5 aayado
    71%

    13Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.

    15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

    16Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.

    17Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.

  • 6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.

  • 26Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.

  • 27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.

  • Muj 10:5-6
    2 aayado
    69%

    5¶ Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,

    6oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba.

  • 11Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,

  • 12Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.

  • Daan 7:25-26
    2 aayado
    68%

    25Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.

    26Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.

  • 3Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba.

  • Daan 10:4-5
    2 aayado
    68%

    4Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo labaatanaad, anoo taagan webiga weyn oo Xiddeqel ah agtiisa,

    5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

  • 2Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa.

  • 14Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.

  • Daan 12:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.

    2Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.

  • 23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • 6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

  • 9Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.

  • 26Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta.

  • 13¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen?

  • 4Markaasaan jawaabay oo waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

  • 14oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.

  • 3Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.

  • 10oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?

  • 24Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.

  • 5Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay;

  • 7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.

  • 8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

  • 2Kolkaasaan idhi, War xaggee baad u socotaa? Oo isna wuxuu igu yidhi, Waxaan u socdaa inaan Yeruusaalem soo qiyaaso oo aan soo ogaado intuu ballaadhkeedu yahay, iyo intuu dhererkeedu yahayba.

  • 16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

  • 6Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.