Sharciga Kunoqoshadiisa 21:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 49:3 : 3 Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa, Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.
  • Bil 25:31-34 : 31 Yacquubna wuxuu yidhi, Maanta iga iibi curadnimadaada. 32 Markaasaa Ceesaw yidhi, Bal eeg, geeri baan ku dhowahay; haddaba curadnimadu maxay ii taraysaa? 33 Markaasaa Yacquub ku yidhi, Maanta ii dhaaro. Kolkaasuu u dhaartay, curadnimadiisiina wuxuu ka iibiyey Yacquub. 34 Yacquubna wuxuu Ceesaw siiyey kibis iyo fuud digir laga sameeyey, wuuna cunay oo cabbay, markaasuu intuu kacay, iska tegey. Sidaasuu Ceesaw u quudhsaday curadnimadiisii.
  • Bil 25:5-6 : 5 Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq. 6 Laakiinse naagihii addoommada ahaa oo Ibraahim haystay wuxuu wiilashoodii siiyey hadiyado, oo intuu isagu noolaa ayuu ka diray wiilkiisii Isxaaq, bari buuna u diray xagga dhulka bari.
  • 1 Taar 5:1-2 : 1 ¶ Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii. 2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)
  • Sab 105:36 : 36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    15¶ Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,

    16maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa,

  • 76%

    18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

    19markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,

    20oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab.

  • 1 Taar 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii.

    2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)

  • Bil 48:17-19
    3 aayado
    71%

    17Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.

    18Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar.

    19Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

  • 3Oo aabbahoodna wuxuu iyagii siiyey hadiyado waaweyn oo ah lacag, iyo dahab, iyo waxyaalo qaali ah, oo weliba wuxuu ugu daray magaalooyin deyr leh oo dalka Yahuudah ku yaal, laakiinse boqortooyadii wuxuu siiyey Yehooraam, maxaa yeelay, wuxuu ahaa curadkiisii.

  • 2Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.

  • 21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

  • 29Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.

  • 6Si uusan ku dhintay magiciisu reer binu Israa'iil uga dhex baabbi'in ninkeedu wiilka ugu horreeya oo ay dhali doonto ha u bixiyo magicii walaalkiisii dhintay.

  • 20Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan.

  • Tir 27:9-10
    2 aayado
    68%

    9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.

    10Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.

  • 14Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii.

  • 12Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.

  • Bax 13:12-13
    2 aayado
    67%

    12de markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.

    13Oo curad kasta oo dameer ah waa inaad ku madax furtaa wan yar; oo haddii aadan doonaynin inaad madax furto, de markaas waa inaad luqunta ka jebisaa, oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad wax ku madax furtaa.

  • 37Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

  • 26Laabaanna wuxuu yidhi, Dhulkayaga sidaas laguma sameeyo in tan yar curadda la dhaafiyo.

  • 3Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa, Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.

  • 9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

  • 21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

  • Bax 4:22-23
    2 aayado
    66%

    22Oo waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil waa wiilkayga curadka ah,

    23oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah.

  • 24Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.

  • 6Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.

  • 41¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

  • 25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

  • 27Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.

  • 31Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.

  • 10Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,

  • 4Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.

  • 15Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!

  • 15Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa.

  • 24Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

  • 14Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.

  • 23Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool.

  • 19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.

  • 8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.

  • 13Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo, Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.

  • 16Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa'iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay.