Baxniintii 4:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil waa wiilkayga curadka ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 11:1 : 1 ¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.
  • Yer 31:9 : 9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.
  • Room 9:4 : 4 kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada,
  • 2 Kor 6:18 : 18 Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.
  • Cib 12:23 : 23 iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay,
  • Yac 1:18 : 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
  • Bax 19:5-6 : 5 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh; 6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
  • Sharc 14:1 : 1 ¶ Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.
  • Ish 63:16 : 16 In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.
  • Ish 64:8 : 8 Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah.

  • 1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

  • Bax 13:14-15
    2 aayado
    77%

    14Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;

    15oo markii Fircoon dooni waayay inuu na sii daayo, waxaa dhacday inuu Rabbigu wada laayay curadyadii Masar oo dhan oo ahaa curadyadii dadka iyo curadyadii duunyadaba; oo sidaas daraaddeed baan Rabbiga allabari ugu bixiyaa wax alla wixii maxal fura oo dhan, ee ah inta lab, laakiinse dadkayga curadyadiisa oo dhan wax baan ku madax furtaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

  • 8Maalintaas waa inaad wiilkaaga u sheegtaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa wixii Rabbigu ii sameeyey aawadood markii aan Masar ka soo baxay.

  • 10Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.

  • Bax 10:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo,

    2iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.

    3Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

  • Bax 13:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.

  • Tir 3:13-14
    2 aayado
    75%

    13waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    14¶ Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 21Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,

  • 20¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

  • 21Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.

  • 55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

  • Tir 8:16-17
    2 aayado
    74%

    16Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa'iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay.

    17Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan.

  • 11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

  • Bax 7:4-5
    2 aayado
    74%

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

    5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 16Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

  • 1¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi,

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 2Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.

  • Bax 14:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

    4Oo anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen.

  • 29wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.

  • 4¶ Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 24Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen.

  • 6oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.

  • Bax 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo dabadeedna Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu ciidaan.

    2Markaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Waa ayo Rabbiga ay waajibka igu tahay inaan codkiisa maqlo oo aan reer binu Israa'iil sii daayo? Anigu garan maayo Rabbiga, oo weliba sii dayn maayo reer binu Israa'iil inay tagaan.

  • 29Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.

  • 19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.

  • 4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,

  • 29¶ Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.

  • 12Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

  • 17Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

  • 18oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.

  • 8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.

  • 42Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.