1¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.
2Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.
3Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka.
4Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.
5Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
6Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.