Sharciga Kunoqoshadiisa 30:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse eraygii waa idiin dhow yahay, wuxuuna ku jiraa afkiinna iyo qalbigiinna inaad yeeshaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 10:8-9 : 8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno. 9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, 10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.
  • Yer 12:2 : 2 Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.
  • Yex 2:5 : 5 Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).
  • Yex 33:31 : 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
  • Yex 33:33 : 33 Oo markay waxyaalahaasu noqdaan, (bal eeg, way iman doonaane,) waxay ogaan doonaan in nebi uu iyaga dhex joogay.
  • Luuk 10:11-12 : 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
  • Yoox 5:46 : 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.
  • Fal 13:26 : 26 ¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
  • Fal 13:38-41 : 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin. 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh, 41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
  • Fal 28:23-28 : 23 ¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii. 24 Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen. 25 Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay, 26 oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto; 27 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 28 ¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.
  • Mat 7:21 : 21 ¶ Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.
  • Cib 2:1-3 : 1 ¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan. 2 Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah, 3 sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

    11¶ Waayo, amarkan aan maanta idinku amrayo ma aha mid aad idiinku adag, mana aha mid idinka fog.

    12¶ Oo samadana kuma uu jiro si aad u tidhaahdaan, Bal yaa samada noo kori doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona aannu amarkaas yeelnee?

    13Oo baddana kama uu shisheeyo si aad u tidhaahdaan, Bal yaa badda nooga gudbi doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona, aannu amarkaas yeelnee?

  • 8Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.

  • 76%

    15¶ Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigay nolol iyo wanaag, iyo geeri iyo shar,

    16oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

    17Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,

  • Sharc 6:5-6
    2 aayado
    75%

    5Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.

    6Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga.

  • 73%

    16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

    17Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan.

  • 73%

    19Maanta waxaan u yeedhayaa samada iyo dhulka inay idiinku markhaati furaan, inaan idin hor dhigay nolol iyo geeri, iyo barako iyo inkaar, haddaba sidaas daraaddeed nolosha doorta idinka iyo farcankiinnuba aad noolaateene,

    20idinkoo Rabbiga Ilaahiinna ah jecel, oo codkiisa addeecaya, oo isaga sii xajista, waayo, isagu waa noloshiinna iyo dhererka cimrigiinna inaad degganaataan dalkii Rabbigu ugu dhaartay inuu siinayo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.

  • 6Oo markaas Rabbiga Ilaahiinna ahu sida jidhka loo gudo ayuu idinka jari doonaa xumaanta qalbigiinna iyo tan qalbiga farcankiinna inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeclaataan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan si aad u noolaataan.

  • 72%

    46oo wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan.

    47Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.

  • 10Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • Sharc 30:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,

    2oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u soo noqotaan oo aad idinka iyo carruurtiinnuba qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku addeecdaan codkiisa iyo waxyaalahan aan maanta idinku amrayo oo dhan,

  • 8Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.

  • 13oo aad xajisaan Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis mooyaane?

  • 18Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.

  • 18markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

  • 13¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,

  • 27Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 8Oo idinna waa inaad soo noqotaan, oo aad addeecdaan codka Rabbiga, oo aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

  • 70%

    17Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

    18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 28Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan, markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

  • 70%

    26¶ Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,

    27barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 5haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

  • 1¶ Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 22Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

  • 18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

  • 13¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

  • 61Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

  • Sharc 28:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.

    2Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.

  • 19oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan,

  • 1¶ Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.

  • 31Laakiinse adigu waxaad soo istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.