Wacdiyihii 6:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 14:2 : 2 Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
  • Wacd 3:22 : 22 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?
  • Bar 3:24-27 : 24 Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa. 25 Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba. 26 Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo. 27 Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
  • Yac 4:14 : 14 kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha.
  • Wacd 8:7 : 7 Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?
  • Wacd 8:13 : 13 Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
  • Sab 144:4 : 4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
  • Sab 39:5-6 : 5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah) 6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
  • Sab 47:4 : 4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
  • Sab 89:47 : 47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
  • Sab 90:10-12 : 10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa. 11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado? 12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
  • Sab 102:11 : 11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
  • Sab 109:23 : 23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
  • Ayuub 14:21 : 21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga; Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
  • Sab 4:6 : 6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
  • Sab 16:5 : 5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
  • Sab 17:15 : 15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
  • Wacd 2:3 : 3 Waxaan qalbigayga ka damcay inaan jidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmad igu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraan arko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigooda oo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan.
  • 1 Taar 29:15 : 15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.
  • Ayuub 8:9 : 9 (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
  • Wacd 9:6 : 6 Oo weliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodiiba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kuma lahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.
  • Wacd 12:13 : 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.
  • Miik 6:8 : 8 Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 6:1-11
    11 aayado
    86%

    1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

    2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

    3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

    4Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.

    5Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    10¶ Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • Wacd 2:15-26
    12 aayado
    83%

    15Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

    17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

    18Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya.

    19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

    25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?

    26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 1:2-3
    2 aayado
    82%

    2¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

    3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • Wacd 8:6-7
    2 aayado
    81%

    6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

    7Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?

  • Wacd 3:21-22
    2 aayado
    80%

    21Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?

    22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • Wacd 2:11-12
    2 aayado
    77%

    11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

    12¶ Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane?

  • 8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

  • 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

  • 14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 9:9-10
    2 aayado
    75%

    9Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.

    10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.

  • 18¶ Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa.

  • 3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • 3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • 8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • 1¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

  • 14kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha.