Wacdiyihii 9:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxda hoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kasta tartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu mar kasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahu mar kasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kasta hodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli laga ahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 9:23 : 23 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,
  • Maah 21:30-31 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah. 31 Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.
  • Bar 3:37-38 : 37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin? 38 Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
  • Aam 2:14-16 : 14 Kan dheereeyaa ma carari kari doono, oo kan xoogga badanuna xooggiisa kuma adkaan doono, oo kan itaalka badanuna isma samatabbixin doono, 15 oo kan qaansada haystaana isma taagi doono, oo kan cagaha ka dheereeyaana isma samatabbixin doono, oo kii faras ku joogaana isma samatabbixin doono, 16 oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Daan 4:35 : 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?
  • Yer 46:6 : 6 Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen.
  • Sab 33:16-17 : 16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan. 17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
  • Sab 73:6-7 : 6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin. 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
  • Sab 147:10-11 : 10 Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka. 11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
  • Ef 1:11 : 11 Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,
  • Wacd 2:12 : 12 ¶ Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane?
  • Wacd 2:14-15 : 14 Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco. 15 Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 3:14 : 14 Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.
  • Wacd 3:17 : 17 Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.
  • Wacd 4:1 : 1 ¶ Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Wacd 7:13 : 13 Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?
  • 2 Sam 17:23 : 23 Oo Axiitofelna markuu arkay inaan taladiisii la raacin ayuu dameerkii kooraystay, oo magaaladiisuu tegey, oo intuu reerkiisii la dardaarmay, ayuu isdeldelay; wuuna dhintay, oo waxaa lagu aasay qabrigii aabbihiis.
  • 2 Taar 20:15 : 15 Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.
  • Ayuub 5:11-14 : 11 Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa. 12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii. 13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa. 14 Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.
  • Ayuub 34:29 : 29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
  • Sharc 8:18 : 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
  • 2 Sam 17:14 : 14 Markaasaa Absaaloom iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yidhaahdeen, Xuushay kii reer Arkii taladiisu way ka wanaagsan tahay taladii Axiitofel. Waayo, Rabbigu wuxuu ka dhigay in laga adkaado taladii wanaagsanayd oo Axiitofel, si Rabbigu Absaaloom shar ugu soo dejiyo.
  • Mal 3:18 : 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
  • 1 Sam 2:3-9 : 3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama. 4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin, Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin. 5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay. 6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa. 7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana. 8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray. 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono. 10 Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
  • 1 Sam 17:50 : 50 Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.
  • 2 Sam 2:18-23 : 18 Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka. 19 Markaasaa Casaaheel wuxuu eryaday Abneer, oo intuu Abneer eryanayayna uma uu leexan midig iyo bidix toona. 20 Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa, Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii. 21 Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo. 22 Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab? 23 Habase yeeshee wuu diiday inuu gees uga leexdo; sidaas daraaddeed Abneer waranka dabadiisii ayuu caloosha kaga dhuftay, warankiina dib buu uga mudhbaxay; markaasuu halkaas ku dhacay, oo isla meeshaasuu ku dhintay; oo in alla intii soo gaadhay meeshii Casaaheel ku dhacay oo ku dhintay way wada istaageen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 9:12-13
    2 aayado
    80%

    12Waayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabag xun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markii wedku si kedis ah ugu yimaado.

    13¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.

  • 10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.

  • Wacd 9:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

    2Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.

    3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • 9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

  • Wacd 8:16-17
    2 aayado
    75%

    16¶ Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),

    17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    73%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • Wacd 2:19-22
    4 aayado
    73%

    19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

  • 14Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 3:9-12
    4 aayado
    72%

    9Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?

    10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.

    11Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.

    12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • Wacd 7:14-15
    2 aayado
    72%

    14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

    15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • 6Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.

  • 11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

  • Wacd 3:19-20
    2 aayado
    71%

    19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

    20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 7¶ Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn.

  • 1¶ Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an.

  • Wacd 8:6-7
    2 aayado
    71%

    6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

    7Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?

  • Wacd 6:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

    2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

  • Wacd 6:6-8
    3 aayado
    71%

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

  • 16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

  • Wacd 2:24-26
    3 aayado
    70%

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

    25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?

    26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.

  • 6wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro;

  • 3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • 15Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • Wacd 1:13-14
    2 aayado
    69%

    13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

    14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 9Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.

  • 1¶ Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.

  • 18¶ Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa.