Baxniintii 15:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 7:15 : 15 Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
  • Sab 103:3 : 3 Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
  • Sab 147:3 : 3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
  • Bax 23:25 : 25 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.
  • Laaw 26:13 : 13 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.
  • Sharc 28:60 : 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan.
  • Sharc 28:27 : 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.
  • Sab 41:3-4 : 3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa. 4 Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso, Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
  • Sharc 28:1-9 : 1 ¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan. 2 Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan. 3 Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka. 4 Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 5 Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 6 Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 7 Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan. 8 Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. 9 Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan. 10 Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan. 11 Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 12 Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan. 13 Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan, 14 oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan. 15 ¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.
  • Yer 33:6 : 6 Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
  • Hos 6:1 : 1 ¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
  • Sharc 7:12-13 : 12 ¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay, 13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
  • Laaw 26:3 : 3 ¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,
  • Bax 9:10-11 : 10 Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun. 11 Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.
  • Bax 12:29 : 29 ¶ Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.
  • Sharc 12:28 : 28 Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan, markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
  • 2 Boq 22:2 : 2 Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
  • Ayuub 5:18 : 18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
  • 1 Boq 11:33 : 33 maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.
  • Yac 5:11-16 : 11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay. 12 ¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis. 13 ¶ Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo. 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa. 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
  • Ish 57:18 : 18 Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.
  • Yer 8:22 : 22 Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
  • 1 Boq 11:38 : 38 Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.
  • Sharc 28:58 : 58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH,
  • Sharc 13:18 : 18 markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
  • 2 Boq 20:5 : 5 Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
  • Yex 18:5 : 5 Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.

  • 25Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.

  • 78%

    59markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga.

    60Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan.

    61Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan.

  • 27Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.

  • 27¶ Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.

  • 25Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii;

  • 22Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.

  • Sharc 24:8-9
    2 aayado
    72%

    8Xagga cudurka baraska ah waa inaad isjirtaan, oo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan wax alla wixii wadaaddada reer Laawi ay idin baraan oo dhan, oo sidaan iyaga ugu amray, idinku waa inaad saas u dhawrtaan oo u yeeshaan.

    9Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.

  • 3Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,

  • 20Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.

  • 70%

    21Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

    22Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan.

  • 14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

  • 6¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 33¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 5haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 35Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 14¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 3¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

  • 18markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 28Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,

  • 20Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

  • Tir 14:12-13
    2 aayado
    69%

    12Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan.

    13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 29wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.

  • Bax 9:14-15
    2 aayado
    69%

    14Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.

    15Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

  • 3bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 1¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.

  • 22Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday,

  • 38Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.

  • 3Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.

  • 22¶ Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

  • 17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

  • 10Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.

  • 6Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,