Baxniintii 15:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu waa dagaalyahan, Magiciisuna waa Rabbi.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 24:8 : 8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
  • Sab 83:18 : 18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
  • Bax 3:15 : 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
  • Muj 19:11-21 : 11 ¶ Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa. 12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane. 13 Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah. 14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah. 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa. 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA. 17 ¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah, 18 aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba. 19 ¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii. 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay; 21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.
  • Bax 14:14 : 14 Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.
  • Ish 42:8 : 8 Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.
  • Sab 45:3 : 3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.
  • Bax 3:13 : 13 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa?
  • Bax 6:2-3 : 2 ¶ Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga, 3 oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.
  • Bax 6:6-8 : 6 Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn, 7 oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta. 8 Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 15:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen, Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.

    2Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.

  • 15Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.

  • 4Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 5Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.

  • 1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

  • 30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

  • 14Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.

  • 4maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.

  • Bax 15:6-7
    2 aayado
    70%

    6Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.

    7Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.

  • 10Nin keliya oo idinka mid ahu kun buu eryi doonaa; waayo, kan idiin diriraa waa Rabbiga Ilaahiinna ah siduu idinkula hadlay.

  • Bax 17:15-16
    2 aayado
    70%

    15Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii,

    16oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.

  • 3Markaasaa Muuse dadkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, War idinku dhexdiinna rag dagaal uga diyaariya, oo hub siiya, inay reer Midyaan ku kacaan, oo ay Rabbiga reer Midyaan uga aargudaan.

  • 8Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.

  • 70%

    14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

    15Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

    16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • 14Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,

  • 3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Bax 15:18-19
    2 aayado
    70%

    18Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

    19¶ Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.

  • 15Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.

  • Sab 18:1-2
    2 aayado
    69%

    1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

  • 3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

  • 3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.

  • 15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

  • 22Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 19Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 25Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

  • 2¶ Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,

  • 12Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

  • 16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,

  • 11Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

  • 16Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 2¶ Rabbigu waa Ilaah masayr ah oo waa aarsadaa, Rabbigu waa aarsadaa oo waa cadho miidhan. Rabbigu cadaawayaashiisa waa ka aargutaa, oo cadowgiisana cadho buu u kaydiyaa.

  • 17Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.

  • 4Bixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

  • 14Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd?

  • 3Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

  • 6Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.

  • 27Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.

  • 14Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.

  • 7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 35Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

  • 15Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.