Baxniintii 16:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 13:2 : 2 Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun.
  • 1 Sam 8:7 : 7 Oo Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor.
  • Tir 14:27 : 27 Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.
  • Luuk 10:16 : 16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
  • 1 Tes 4:8 : 8 Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.
  • Tir 21:7 : 7 Markaasay dadkii Muuse u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ku hadalnay wax ka gees ah Rabbiga iyo adiga, haddaba Rabbiga noo bari inuu abeesooyinka naga fogeeyo. Markaasaa Muuse dadkii u baryay Rabbiga.
  • Bax 16:9 : 9 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.
  • Bax 16:12 : 12 Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Ish 32:6 : 6 Waayo, nacasku nacasnimuu ku hadli doonaa, oo qalbigiisuna xumaan buu samayn doonaa si uu cibaadala'aan ugu isticmaalo oo uu wax been ah Rabbiga ka sheego, inuu nafta gaajaysan sii madhiyo oo uu kii oomman cabniinkiisa gooyo.
  • Ish 37:29 : 29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
  • Mat 9:4 : 4 Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?
  • Mat 10:40 : 40 ¶ Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.
  • Yoox 6:41-43 : 41 ¶ Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay. 42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay? 43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
  • Yoox 13:20 : 20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.
  • 1 Kor 10:10 : 10 Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 16:6-7
    2 aayado
    91%

    6Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,

    7oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?

  • 9Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.

  • Bax 16:11-12
    2 aayado
    83%

    11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

    12Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Bax 16:2-4
    3 aayado
    81%

    2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

    3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale.

  • Tir 14:26-27
    2 aayado
    79%

    26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

    27Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.

  • 24Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?

  • 18Oo dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan.

  • Bax 16:15-16
    2 aayado
    78%

    15Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.

    16Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

  • 41¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

  • 5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • Bax 17:2-4
    3 aayado
    77%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

    4Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.

  • 11Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?

  • 2Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!

  • Bax 16:32-33
    2 aayado
    77%

    32Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.

    33Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.

  • Tir 11:20-21
    2 aayado
    75%

    20laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?

    21Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.

  • 1¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

  • Bax 16:19-20
    2 aayado
    74%

    19Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda.

    20Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.

  • 13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

  • 10Haddana Muuse wuxuu maqlay dadkii oo ka dhex ooyaya qabiilooyinkoodii oo dhan, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeduu taagnaa, markaasaa cadhadii Rabbigu aad u kululaatay, oo Muusena wuu ka xumaaday.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 4¶ Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?

  • Bax 14:11-12
    2 aayado
    72%

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

  • 28Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

  • 16Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.

  • 6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 29Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,

  • 13Bal xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.

  • 25Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga.

  • 26Kolkaasaa Muuse ku yidhi, Sidaas inaan yeelno ma habboona; waayo, karaahiyada Masriyiinta ayaannu Rabbiga Ilaahayaga ah u bixinaynaa. Bal eeg, miyaannu karaahiyada Masriyiinta ku allabarinnaa iyagoo noo jeeda? De sow na dhagxin maayaan?

  • 23Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 16Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,

  • 25Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.