Baxniintii 20:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba waa inaydnaan yeelan ilaahyo kale aniga mooyaane; oo ilaahyo lacag ah iyo ilaahyo dahab ah waa inaydnaan samaysan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 20:3-5 : 3 ¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan. 4 ¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira. 5 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
  • Yex 20:39 : 39 Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.
  • Saf 1:5 : 5 iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam,
  • 2 Boq 17:33 : 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
  • 2 Boq 17:41 : 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
  • 1 Kor 10:21-22 : 21 Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada. 22 Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?
  • 2 Kor 6:14-16 : 14 ¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • Kol 2:18-19 : 18 Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga, 19 oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.
  • 1 Yoox 5:20-21 : 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. 21 Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.
  • Muj 22:15 : 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.
  • Yex 43:8 : 8 Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
  • Daan 5:4 : 4 Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.
  • Daan 5:23 : 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
  • Bax 32:1-4 : 1 ¶ Oo markii dadkii arkay in Muuse raagay oo uusan buurtii ka soo degin, ayaa dadkii iyagoo urursan Haaruun u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay. 2 Markaasaa Haaruun wuxuu iyagii ku yidhi, Soo bixiya hilqadaha dahabka ah oo dhegaha ugu jira naagihiinna, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, oo ii keena. 3 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun. 4 Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.
  • Bax 32:31 : 31 Markaasaa Muuse wuxuu ku noqday Rabbiga xaggiisa, oo wuxuu yidhi, Bal dadkanu dembi weyn bay sameeyeen, oo waxay samaysteen ilaahyo dahab ah.
  • 1 Sam 5:4-5 : 4 Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya. 5 Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

  • Bax 20:2-5
    4 aayado
    82%

    2¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

    3¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

    4¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

    5Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

  • 4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 1¶ Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Sharc 5:7-9
    3 aayado
    80%

    7¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

    8¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

    9Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

  • Bax 23:32-33
    2 aayado
    77%

    32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

    33Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

  • 20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

  • 25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • 23Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.

  • 75%

    21¶ Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.

    22Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

  • 6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

  • Bax 20:24-25
    2 aayado
    74%

    24¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.

    25Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.

  • 24Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

  • 22¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.

  • 17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

  • 35kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;

  • 13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 73%

    15¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,

    16waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,

  • Bax 32:23-24
    2 aayado
    73%

    23Waayo, waxay igu yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda, waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.

    24Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.

  • 7Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

  • 22Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!

  • 15Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.

  • 32Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.

  • 13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • 14waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

  • 7oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 40Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.

  • 4Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

  • 7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • Ish 40:18-19
    2 aayado
    71%

    18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

    19Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.

  • 8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 38Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan;

  • 4Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 12Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.

  • 3Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,