Baxniintii 23:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 25:2-7 : 2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa. 3 Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa. 4 Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin. 5 Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn. 6 Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba, 7 iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.
  • Laaw 25:11-12 : 11 Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin. 12 Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.
  • Laaw 25:20 : 20 Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna,
  • Laaw 25:22 : 22 Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.
  • Laaw 26:34-35 : 34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa. 35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

  • Laaw 25:2-8
    7 aayado
    85%

    2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

    3Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.

    4Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.

    5Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.

    6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

    7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

    8¶ Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.

  • 12Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

  • Laaw 19:9-10
    2 aayado
    80%

    9¶ Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan xaaxaabka beergoosadkiinna.

    10Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 80%

    19Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

    20Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna,

    21markaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood ku filan.

    22Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.

  • Bax 34:21-22
    2 aayado
    80%

    21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.

    22Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.

  • 80%

    22¶ Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 78%

    10Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

    11Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.

    12Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.

  • 77%

    19¶ Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.

    20¶ Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid, mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

    21Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

  • 14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

  • 25Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad, si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 30¶ Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.

  • 29Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.

  • 1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

  • 5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

  • 9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

  • 74%

    34Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa.

    35Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.

  • 10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

  • 5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 16Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

  • 74%

    11Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.

    12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

  • 22¶ Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.

  • 14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.

  • 25¶ Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.

  • 3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 29Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

  • 14¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

  • 12¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan.

  • 30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.

  • 17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.