Baxniintii 29:39

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 46:13-15 : 13 Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa. 14 Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah. 15 Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.
  • 2 Boq 16:15 : 15 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto.
  • 2 Taar 13:11 : 11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.
  • Sab 5:3 : 3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
  • Sab 55:16-17 : 16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona. 17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.
  • Luuk 1:10 : 10 Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.
  • Fal 26:7 : 7 Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 28:3-5
    3 aayado
    96%

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kanu waa qurbaanka dabka lagu sameeyo oo aad Rabbiga u bixisaan laba wan oo gu jir ah oo aan iin lahayn oo aad maalin kasta qurbaan la gubo oo joogto ah u bixisaan.

    4Waa inaad wan bixisaa aroortii, wanka kalena makhribkii.

    5Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.

  • Bax 29:40-41
    2 aayado
    91%

    40Oo bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka.

    41Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • Tir 28:8-11
    4 aayado
    88%

    8Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo qurbaankiisii hadhuudhka iyo qurbaankiisii cabniinka waa inaad isaga la bixisaa sida kii aroortii oo kale, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

    9¶ Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka.

    10Kaasu waa qurbaanka la gubo oo sabtida, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.

    11¶ Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 38Haddaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa.

  • Tir 28:23-24
    2 aayado
    79%

    23Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.

    24Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • Tir 29:15-20
    6 aayado
    78%

    15oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi.

    16Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    17¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    19Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    20¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 13Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa.

  • 76%

    18Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

    19Oo waa inaad bixisaan orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno nabaadiino ah.

  • 15Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.

  • 19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

  • 39Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • Tir 29:26-30
    5 aayado
    75%

    26¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    27Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    28Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    29¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    30Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 4oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.

  • Tir 29:36-37
    2 aayado
    75%

    36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • Tir 29:23-24
    2 aayado
    75%

    23¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    24Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 27Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,

  • 21iyo meeshiisna toddobada wan oo yaryar midkood kasta.

  • 12Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.

  • 11Oo sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.

  • 29oo toddobada wan oo yaryarna midkood kasta meel la bixi.

  • 27Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • Tir 29:10-11
    2 aayado
    74%

    10oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.

    11Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.

  • 7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

  • 81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • 21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 14oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,

  • 33Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,