Baxniintii 30:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaad reer binu Israa'iil tirinaysid, intii ay tiradoodu noqoto oo dhan, nin waluba waa inuu Rabbiga siiyo madaxfurashadiisa, markaad tirisid; si aan belaayo ugu dhicin markaad iyaga tirisid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 31:50 : 50 Oo annagu waannu keennay qurbaankii Rabbiga, kaas oo ah wixii dahab ah oo nin waluba helay, kuwaasoo ah silsilado, iyo dugaagado, iyo kaatunno, iyo hilqado, iyo murriyado, inaannu naftayada Rabbiga hortiisa u kafaaro gudno.
  • Sab 49:7 : 7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
  • Mat 20:28 : 28 sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
  • Bax 38:25-26 : 25 Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 26 Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.
  • Tir 1:2-5 : 2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya. 3 Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan. 4 Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah. 5 Oo nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur.
  • Tir 26:2-4 : 2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan. 3 Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda. 4 Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.
  • Mark 10:45 : 45 Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
  • 1 Tim 2:6 : 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.
  • 1 But 1:18-19 : 18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, 19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.
  • 2 Sam 24:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. 2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan. 5 Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser, 6 oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda, 7 oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac. 8 Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood. 9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin. 10 ¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin.
  • 1 Taar 21:12 : 12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba'did cadaawayaashaada hortooda iyadoo seefta cadaawayaashaadu ay ku gaadhayso, amase haddii kale saddex maalmood oo seefta Rabbigu iyadoo belaayo ah ay dalka dhex marayso, oo ay malaa'igtii Rabbiga dadka baabbi'inayso kulli dalka reer binu Israa'iil oo dhan. Haddaba bal ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray.
  • 1 Taar 21:14 : 14 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin.
  • 1 Taar 27:24 : 24 Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.
  • 2 Taar 24:6 : 6 Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed?
  • Ayuub 33:24 : 24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.
  • Ayuub 36:18 : 18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 30:13-16
    4 aayado
    78%

    13Oo waxan waa inay bixiyaan, nin walba oo u gudba kuwa la tiriyey waa inuu bixiyaa nus sheqel le'eg sheqelkii meesha quduuska ah: (sheqelku waa labaatan geeraah:) nus sheqel waa in Rabbiga loo bixiyaa.

    14Oo mid kasta oo u gudba kuwa la tiriyey oo ah inta jirta labaatan sannadood iyo wixii ka sii weyn, waa inuu bixiyaa Rabbiga wixiisa.

    15Markay Rabbiga wixiisa u bixinayaan inay nafihiinna u kafaaro gudaan, kii taajir ahu waa inaanu bixin wax nus sheqel ka badan, kii miskiin ahuna waa inaanu bixin wax nus sheqel ka yar.

    16Oo waa inaad reer binu Israa'iil ka qaaddaa lacagta kafaaraggudka ah, oo aad wax kaga qabataa hawsha taambuugga shirka, inay reer binu Israa'iil u noqoto xusuus Rabbiga hortiisa, si aad nafihiinna ugu kafaaro guddaan.

  • 11¶ Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 12Intaad diyaarisaan sida tiradu tahay mid kasta u sameeya.

  • 40¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab.

  • Tir 26:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi,

    2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.

  • Tir 3:42-44
    3 aayado
    75%

    42Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.

    43Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.

    44¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.

  • 26Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.

  • Tir 31:28-30
    3 aayado
    74%

    28oo Rabbiga canshuur uga qaad raggii dagaalka u baxay; oo shantii boqolba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha,

    29badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.

    30Oo reer binu Israa'iil badhkoodana kontonkiiba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha, iyo xataa xoolaha oo dhan, oo waxaad siisaa reer Laawi oo haya shuqulka taambuugga Rabbiga.

  • Tir 1:2-3
    2 aayado
    73%

    2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.

    3Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.

  • 19Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

  • Tir 3:46-50
    5 aayado
    73%

    46Oo labada boqol iyo saddex iyo toddobaatanka curad oo reer binu Israa'iil oo ka sii badan reer Laawi,

    47madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.)

    48Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa.

    49Markaasaa Muuse lacagtii ka qaaday kuwii ka sii badnaa kuwii lagu madax furtay reer Laawi.

    50Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 4Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.

  • Tir 1:48-49
    2 aayado
    72%

    48Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,

    49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,

  • Tir 3:15-16
    2 aayado
    72%

    15Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.

    16Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.

  • 19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.

  • 40Oo dadkuna wuxuu ahaa lix iyo toban kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo soddon qof.

  • 62Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • 16Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.

  • Tir 31:25-26
    2 aayado
    71%

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    26Soo tiriya boolida la soo dhacay, dad iyo duunyaba, adiga iyo wadaadka Elecaasaar ah iyo madaxda qabiilooyinka shirka,

  • 30Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.

  • 9Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.

  • 42Oo reer binu Israa'iil badhkoodii wuxuu Muuse gooni uga dhigay qaybtii raggii dagaallamay.

  • 64Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.

  • Tir 31:46-47
    2 aayado
    71%

    46iyo lix iyo toban kun oo qof.)

    47Oo xataa reer binu Israa'iil badhkoodii Muuse kontonkiiba mid buu ka soo saaray dad iyo duunyaba, oo wuxuu siiyey reer Laawi oo haya shuqulkii taambuuggii Rabbiga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 49Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.

  • 16Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

  • 33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • 44¶ Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.

  • 2Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga.

  • 46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.

  • 52¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.