Baxniintii 34:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 34:1-3
    3 aayado
    88%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay.

    2Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.

    3Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.

  • Sharc 10:1-5
    5 aayado
    83%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo buurta iigu kaalay, oo waxaad kaloo samaysataa sanduuq qori ah.

    2Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa.

    3Sidaas daraaddeed waxaan sanduuq ka sameeyey qori qudhac, oo waxaan soo qoray laba loox oo dhagax ah oo u eg kuwii hore, markaasaan buurta fuulay anigoo labadii loox gacmaha ku sida.

    4Oo isna wuxuu looxyadii ku qoray qorniinkii kuwii hore ku yiil oo kale, kaasoo ahaa tobankii qaynuun oo Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga, markaasaa Rabbigu iyagii i siiyey.

    5Oo markaasaan jeestay oo buurtii ka soo degay, oo looxyadiina waxaan ku dhex riday sanduuqii aan sameeyey, oo halkaasay ku jiraan, sidii Rabbigu igu amray.

  • Sharc 9:9-12
    4 aayado
    79%

    9Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin.

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.

    11Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.

    12Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.

  • Bax 24:12-13
    2 aayado
    78%

    12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.

    13Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.

  • 4Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.

  • Bax 32:15-16
    2 aayado
    78%

    15¶ Markaasuu Muuse jeestay, oo buurtii hoos uga degay, isagoo labadii loox oo maragga ahaa gacanta ku sita, looxyadana wax baa kaga qornaa labadooda dhinacba; oo dhankan iyo dhankaasba wax qoran baa kaga yiil.

    16Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.

  • 18¶ Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.

  • 13Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah.

  • 15Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.

  • Bax 34:27-29
    3 aayado
    74%

    27Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan.

    28Oo halkaasuu Rabbiga la joogay afartan habeen iyo afartan maalmood, waxbana ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. Oo looxyadiina wuxuu ku qoray erayadii axdiga, kuwaas oo ah tobanka qaynuun.

    29¶ Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis.

  • 5Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

  • 22¶ Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.

  • 18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 34¶ Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

  • 20Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.

  • 32Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.

  • 19¶ Oo markuu xeradii ku soo dhowaaday wuxuu arkay weyshii iyo cayaartii; markaasaa Muuse aad u cadhooday, looxyadiina gacmihiisa wuu ka tuuray, oo wuxuu ku jejebiyey buurta hoosteedii.

  • 17Markaasaan qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda ku jejebiyey.

  • 3Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,

  • Bax 24:15-16
    2 aayado
    70%

    15Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.

    16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

  • 9Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

  • 32Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay.

  • 40Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.

  • 17Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.

  • 4Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.

  • 10Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

  • 34Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray,

  • 9Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray.