Baxniintii 5:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari u bixinno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 5:8 : 8 Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee.
  • Mat 26:8 : 8 Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?
  • Yoox 6:27 : 27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
  • 2 Tes 3:10-11 : 10 Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin. 11 Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 5:18-19
    2 aayado
    85%

    18Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale.

    19Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen.

  • Bax 5:4-16
    13 aayado
    84%

    4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

    5Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa.

    6Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh,

    7Hadda dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray, laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen.

    8Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee.

    9Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin.

    10Markaasay kuwii hawsha dadka ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodiiba dibadda u bexeen, oo waxay la hadleen dadkii, oo ku yidhaahdeen, Waxaa Fircoon idin leeyahay, Caws idin siin maayo.

    11Idinku taga oo caws ka doonta meeshii aad ka heli kartaan, laakiin hawshiinna waxba laydinka dhimi maayo innaba.

    12Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray.

    13Oo kuwii dadka hawsha ku cadaadin jirayna way daddajiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhammeeya shuqulladiinna, iyo hawshiinna intii aad maalin walba samayn jirteen, sidii markii cawsku jiri jiray oo kale.

    14Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore?

    15Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

    16Addoommadaada caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga.

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?

  • Yer 25:6-7
    2 aayado
    72%

    6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

    7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • Yer 17:21-22
    2 aayado
    72%

    21Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,

    22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.

  • Mal 3:13-14
    2 aayado
    71%

    13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

    14Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?

  • 5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • 70%

    12¶ Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.

    13Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

  • 24Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,

  • 1¶ Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?

  • 13Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

  • 18War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan.

  • 25Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga.

  • 5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?

  • 15Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.

  • 9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

  • 7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

  • 12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 18Caajisnimo badan saqafku waa ku dumaa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.

  • 41Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

  • 10Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.

  • 5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

  • 17Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 25Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Ilaahiin dalka dhexdiisa allabari ugu bixiya.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • 25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

  • 5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,