Yexesqeel 27:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 19:12 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen, kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
  • Ish 37:12 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
  • Aam 1:5 : 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.
  • Bil 10:22 : 22 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.
  • Bil 11:31-32 : 31 Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen. 32 Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
  • Bil 12:4 : 4 Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey.
  • Bil 25:3 : 3 Yoqshaanna wuxuu dhalay Shebaa, iyo Dedaan. Wiilashii Dedaanna waxay ahaayeen Ashuurim, iyo Letushim, iyo Le'ummiim.
  • Bil 32:22 : 22 ¶ Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii.
  • Tir 24:22 : 22 Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.
  • Ayuub 1:15 : 15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.
  • Sab 83:8 : 8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
  • Ish 7:18 : 18 ¶ Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.
  • Ish 7:20 : 20 ¶ Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.
  • Ish 10:9 : 9 Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale?
  • Aam 6:2 : 2 Kalneh u gudba oo bal eega, oo halkaasna ka sii taga Xamaad tan weyn, dabadeedna waxaad sii tagtaan Gad ta reer Falastiin. Iyagu miyey ka wanaagsan yihiin boqortooyooyinkaas? Dalkoodu miyuu ka weyn yahay dalkiinna?
  • Fal 7:4 : 4 Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin,
  • Bil 2:8 : 8 Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.
  • Bil 10:10 : 10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 27:6-22
    17 aayado
    89%

    6Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.

    7Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.

    8Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.

    9Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.

    10Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.

    11Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.

    12Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.

    13Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.

    14Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.

    15Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.

    16Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.

    17Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.

    18Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.

    19Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.

    20Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.

    21Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.

    22Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.

  • Yex 27:24-27
    4 aayado
    86%

    24Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.

    25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.

    26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.

    27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.

  • Yex 27:33-34
    2 aayado
    77%

    33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.

    34Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.

  • Muj 18:11-15
    5 aayado
    74%

    11¶ Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii;

    12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

    13iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka.

    14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.

    15Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

  • Ish 23:7-8
    2 aayado
    73%

    7Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?

    8Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?

  • Yer 25:22-24
    3 aayado
    71%

    22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

    23iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan,

    24iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,

  • 15oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • Ish 23:2-3
    2 aayado
    70%

    2Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.

    3Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.

  • 5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.

  • 13Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

  • 42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.

  • 23kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan.

  • 14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

  • 9Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.

  • 6Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.

  • 13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.

  • 23oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey.

  • 23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

  • 36Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • 18Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.

  • 24Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.