Yexesqeel 44:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 10:35-37 : 35 iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah, 36 iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna; 37 iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.
  • 2 Taar 31:4-6 : 4 Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga. 5 Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen. 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen.
  • 2 Taar 31:10 : 10 Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.
  • Bax 23:19 : 19 Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
  • Tir 15:19-21 : 19 oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado. 20 Cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo. 21 Oo cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado tan iyo ab ka ab.
  • Tir 18:12-18 : 12 Oo saliidda inteeda ugu wanaagsan oo dhan iyo canabka iyo hadhuudhka intooda ugu wanaagsan oo dhan kuwaasoo ah midhaha ugu horreeya oo ay Rabbiga siiyaanba, ayaan adiga ku siiyey. 13 Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 14 Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan. 15 Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa. 16 Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah). 17 Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 18 Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh.
  • Tir 18:27-30 : 27 Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka. 28 Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah. 29 Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan. 30 Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.
  • Sharc 18:4 : 4 Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.
  • Sharc 26:10-15 : 10 Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa. 11 Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba. 12 ¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan. 13 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii. 14 Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan. 15 Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
  • Tir 3:13 : 13 waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Bax 13:2 : 2 Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.
  • Bax 13:12 : 12 de markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.
  • Bax 22:29 : 29 Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.
  • Maah 3:9-9 : 9 Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan; 10 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
  • Yac 1:18 : 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
  • Mal 3:10-11 : 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag. 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 15:19-21
    3 aayado
    82%

    19oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.

    20Cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo.

    21Oo cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado tan iyo ab ka ab.

  • Sharc 18:3-4
    2 aayado
    81%

    3Oo dadka allabariga bixiya waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba, garabka iyo labada daan iyo caloosha.

    4Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.

  • Tir 18:11-15
    5 aayado
    79%

    11Oo adigaa iska leh qurbaanka sare loo qaado oo hadiyaddooda ah, oo ah qurbaannada la ruxruxo ee reer binu Israa'iil oo dhan. Kuwaas adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga ayaan u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno.

    12Oo saliidda inteeda ugu wanaagsan oo dhan iyo canabka iyo hadhuudhka intooda ugu wanaagsan oo dhan kuwaasoo ah midhaha ugu horreeya oo ay Rabbiga siiyaanba, ayaan adiga ku siiyey.

    13Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno.

    14Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan.

    15Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa.

  • 29Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.

  • Tir 18:27-31
    5 aayado
    76%

    27Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka.

    28Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah.

    29Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.

    30Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.

    31Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka.

  • 10Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.

  • Tir 5:9-10
    2 aayado
    75%

    9Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.

    10Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.

  • Nex 10:35-37
    3 aayado
    75%

    35iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,

    36iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna;

    37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

  • 29Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.

  • 9Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.

  • 9Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;

  • 17Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.

  • 12Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed.

  • 20Oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.

  • 10Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.

  • 31Wadaaddadu waa inayan wax iska bakhtiyey, ama wax bahal dilay haad iyo dugaag midu yahayba cunin.

  • 14Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.

  • 14¶ Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay.

  • 14Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.

  • 9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • 2waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.

  • 8Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

  • 6Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.

  • 12de markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.

  • 19¶ Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.

  • 5Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen.

  • 14Oo waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 26Dhulkiinna midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahiinna ah geeysaan. Waa inaydnaan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 24oo kulligood waxaad saartaa gacmaha Haaruun, iyo gacmaha wiilashiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux inay ahaadaan qurbaanka la ruxruxo.

  • 14Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 29Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.

  • 2iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah.

  • 16Oo dadka dalka deggan oo dhammu waa inay qurbaankaas amiirka reer binu Israa'iil siiyaan.

  • 29badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.