Galatiya 4:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 11:11 : 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday.
  • Bil 18:10-14 : 10 Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga. 11 Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay. 12 Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay? 13 Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay? 14 Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.
  • Bil 21:1-2 : 1 ¶ Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay. 2 Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.
  • Room 9:7-8 : 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.
  • Room 10:8 : 8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.
  • Gal 4:28-29 : 28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. 29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.
  • Room 4:18-21 : 18 Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa. 19 Isagoo aan rumaysadkii ku tabaryaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah. 20 Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya 21 oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo.
  • Bil 17:15-19 : 15 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah. 16 Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan. 17 Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa? 18 Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado! 19 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 4:21-22
    2 aayado
    90%

    21¶ Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?

    22Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.

  • Gal 4:24-31
    8 aayado
    85%

    24Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar.

    25Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.

    26Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.

    27Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.

    28Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.

    29Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.

    30Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.

    31Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.

  • Bil 21:12-13
    2 aayado
    75%

    12Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.

    13Wiilka addoontana waxaan ka dhigi doonaa quruun, waayo, isna waa farcankaaga.

  • Room 9:7-10
    4 aayado
    75%

    7Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

    8Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.

    9Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil.

    10Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah.

  • 12¶ Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim.

  • Gal 3:14-18
    5 aayado
    71%

    14inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.

    15¶ Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro.

    16Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa.

    17Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo.

    18Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

  • 29Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.

  • 16¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

  • Bil 15:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya.

    4Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid.

  • 18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

  • Room 4:12-13
    2 aayado
    70%

    12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

    13¶ Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka.

  • 1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa inuu helay Ibraahim oo awowgeennii hore ahaa xagga jidhka?

  • Gal 4:1-4
    4 aayado
    70%

    1¶ Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,

    2laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.

    3Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;

    4laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,

  • 7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

  • 7Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.

  • 1¶ Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.

  • Bil 25:23-24
    2 aayado
    68%

    23Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada, Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta, Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona; Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale; Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

    24Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano.

  • 28¶ Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.

  • 13oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah.

  • 6Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.

  • 6Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.

  • 2Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.

  • 23Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.

  • 13Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.

  • 36Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.

  • 4Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay.