Bilowgii 11:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 10:10 : 10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
  • Bil 14:1 : 1 ¶ Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim,
  • Daan 1:2 : 2 Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
  • Sak 5:11 : 11 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.
  • Ish 11:11 : 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
  • Bil 11:9 : 9 Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
  • Bil 13:11 : 11 Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

  • Bil 11:3-9
    7 aayado
    84%

    3Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.

    4Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.

    5Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.

    6Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.

    7Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.

    8Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.

    9Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

  • 11Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.

  • Bil 10:10-11
    2 aayado
    72%

    10Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.

    11Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,

  • 1¶ Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim,

  • 30Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari.

  • 1¶ Waxayna noqotay, markii ay bilaabatay in dadku ku bataan dhulka oo ay gabdho u dhashaan,

  • 12Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.

  • 31Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.

  • 19Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

  • 6laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

  • 18Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

  • 6Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.

  • 6Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.