Bilowgii 14:19
Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.
Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
20Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
21Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.
22Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka,
18Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.
1¶ Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.
2Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda.
14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.
18Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?
1¶ Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba.
4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.
2Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
3oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.
15Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.
28Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.
6Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday.
3Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,
1¶ Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.
2Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq.
13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.
3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.
34Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.
35Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.
1¶ Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.
3Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo, Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
7Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.
14Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.
17inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;
18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.
8Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
17Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
7Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.
12Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.
52Markii uu Ibraahim addoonkiisii hadalkoodii maqlay ayuu Rabbiga u sujuuday.