Bilowgii 2:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 23:3 : 3 ¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.
  • Mark 2:27 : 27 Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn sabtida aawadeed.
  • Ish 58:13-14 : 13 Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn, 14 markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Yer 17:21-27 : 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina, 22 oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray. 23 Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan. 24 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn, 25 markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa. 26 Oo waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno. 27 Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
  • Yex 20:12 : 12 Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
  • Luuk 23:56 : 56 Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.
  • Cib 4:4-9 : 4 Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. 5 Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan. 6 Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed. 7 Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina. 8 Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale. 9 Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho. 10 Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.
  • Laaw 25:2-3 : 2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa. 3 Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.
  • Sharc 5:12-14 : 12 ¶ Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray. 13 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa, 14 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
  • Nex 9:14 : 14 oo waxaad ogeysiisay Sabtidaada quduuska ah, oo ku amartay amarro, iyo qaynuunno, iyo sharci aad ugu soo dhiibtay addoonkaagii Muuse.
  • Nex 13:15-22 : 15 ¶ Oo waagaas waxaan dalka Yahuudah ku arkay kuwo maalinta Sabtida macsarada canabka ku tumanaya, oo xidhmooyin soo ururinaya, oo dameerro raraya, iyo weliba khamri iyo canab, iyo berde iyo rar cayn kasta ah oo Yeruusaalem la soo gelinaya maalinta sabtida; oo anna iyagii waan uga digay maalintii ay cuntada iibiyeen. 16 Oo halkaas waxaa kaloo degganaa dad reer Turos ah oo keeni jiray kalluun iyo alaab cayn kasta ah, oo maalinta ayay ka iibin jireen dadka dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem gudaheeda. 17 Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah? 18 War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan. 19 Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin. 20 Haddaba baayacmushtariyaashii iyo kuwii alaab cayn kasta iibin jiray mar iyo laba ayay Yeruusaalem dibaddeeda u hoydeen. 21 Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah. 22 Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.
  • Maah 10:22 : 22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
  • Bax 16:22-30 : 22 Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen. 23 Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda. 24 Kolkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag. 25 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan. 26 Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba. 27 Oo waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin. 28 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda? 29 Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin. 30 Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.
  • Bax 20:8-9 : 8 ¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto. 9 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa, 10 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira; 11 waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.
  • Bax 23:12 : 12 Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
  • Bax 31:13-17 : 13 Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya. 14 Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa. 15 Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa. 16 Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis. 17 Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.
  • Bax 34:21 : 21 Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.
  • Bax 35:2-3 : 2 Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa. 3 Oo maalin kasta oo sabti ah waa inaydnaan innaba dab ku shidin rugihiinna oo dhan.
  • Ish 56:2-7 : 2 Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn. 3 Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya 5 waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin. 6 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya, 7 kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 2:1-2
    2 aayado
    93%

    1¶ Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.

    2Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.

  • Bax 20:8-11
    4 aayado
    86%

    8¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

    9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

    10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

    11waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.

  • Cib 4:3-5
    3 aayado
    82%

    3Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.

    4Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay.

    5Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

  • Bax 31:15-17
    3 aayado
    81%

    15Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.

    16Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.

    17Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.

  • Bax 16:29-30
    2 aayado
    80%

    29Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin.

    30Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.

  • Cib 4:9-10
    2 aayado
    77%

    9Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.

    10Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.

  • 3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 4¶ Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

  • 21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.

  • 31Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

  • 2Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.

  • 72%

    12¶ Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.

    13Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

    14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

  • 12Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

  • 25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

  • Bil 1:7-8
    2 aayado
    70%

    7Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay.

    8Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey Samo. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad.

  • 13Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii saddexaad.

  • 27Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

  • 22Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

  • 8Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.

  • 2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.

  • Bil 1:18-19
    2 aayado
    68%

    18oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    19Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii afraad.

  • 15Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.

  • 27Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn sabtida aawadeed.

  • 15Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

  • 13Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.

  • 22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.