Bilowgii 23:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 23:6 : 6 Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.
  • Bil 23:18 : 18 reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.
  • Tir 35:30 : 30 Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis.
  • Sharc 17:6 : 6 Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin.
  • Sharc 19:15 : 15 ¶ Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama saddex markhaati.
  • Ruud 4:1 : 1 ¶ Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay.
  • Ruud 4:4 : 4 Oo waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa.
  • Ruud 4:9 : 9 Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan.
  • Ruud 4:11 : 11 Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow.
  • 2 Sam 24:20-24 : 20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray. 21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato. 22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan. 23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah.
  • 1 Taar 21:22-24 : 22 Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato. 23 Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa. 24 Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiima buuxa ayaan kaaga iibsanayaa, waayo, Rabbiga u qaadi maayo wax aad adigu leedahay, oo qurbaan la gubo oo aanan waxba ka bixin anigu Ilaah ugu bixin maayo.
  • Ish 32:8 : 8 Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.
  • Yer 32:7-9 : 7 Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid. 8 Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay. 9 Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah. 10 Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay. 11 Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada. 12 Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan.
  • Luuk 19:24 : 24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 23:12-20
    9 aayado
    88%

    12Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.

    13Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.

    14Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,

    15Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.

    16Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah.

    17Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey

    18reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.

    19Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.

    20Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.

  • Bil 23:2-10
    9 aayado
    86%

    2Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah.

    3Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,

    4Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.

    5Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,

    6Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.

    7Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.

    8Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,

    9inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.

    10Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,

  • Bil 49:29-32
    4 aayado
    80%

    29¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,

    30kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.

    31Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas

    32oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.

  • Bil 25:9-10
    2 aayado
    76%

    9Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;

    10berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba.

  • 13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.

  • 15Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

  • 5Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.

  • 23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

  • 12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

  • 30laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.

  • 27Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.

  • 5Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.

  • 31Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.