Bilowgii 30:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maalmihii sarreenka la goosanayay ayaa Ruubeen tegey berrinka oo ka dhex helay ubax, oo wuxuu u keenay hooyadiis Lee'ah. Markaasay Raaxeel waxay Lee'ah ku tidhi, Waan ku baryayaaye, wax iga sii ubaxa wiilkaaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 7:13 : 13 Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
  • Bil 25:30 : 30 Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Edom.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:15-17
    3 aayado
    88%

    15Iyana waxay ku tidhi, Ma wax yar baa inaad ninkaygii iga qaadday? Weliba ubaxa wiilkaygana ma iga qaadan lahayd? Raaxeelna waxay tidhi, Haddaba wiilkaaga ubaxiisa aawadiis isagu caawa wuu kula seexan doonaa.

    16Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.

    17Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

  • Bil 29:29-32
    4 aayado
    73%

    29Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

    30Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga.

    31¶ Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.

    32Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa.

  • Bil 31:33-34
    2 aayado
    72%

    33Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

    34Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.

  • Bil 30:1-5
    5 aayado
    71%

    1¶ Raaxeelna markay aragtay inaanay Yacquub carruur u dhalin, ayay walaasheed ka masayrtay; oo waxay Yacquub ku tidhi, Carruur i sii, haddii kalese waan dhiman.

    2Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?

    3Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

    4Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.

    5Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • 14Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

  • Bil 35:22-23
    2 aayado
    70%

    22Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

    23¶ Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

  • Bil 29:16-17
    2 aayado
    69%

    16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

    17Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd.

  • 7Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

  • 10Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.

  • Bil 29:23-25
    3 aayado
    68%

    23Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

    24Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

    25Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

  • 13Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.

  • 13Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

  • Bil 29:9-10
    2 aayado
    68%

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

    10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

  • 37Markaasaa Ruubeen aabbihiis la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Haddii aan isaga kuu keeni waayo, dil labadayda wiil. Aniga ii dhiib isaga, oo anna waan kuu soo celin doonaa.

  • 22Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.

  • 19Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

  • 25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • 21Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.

  • 17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

  • 21Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.

  • 14Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.