Bilowgii 35:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 19:10 : 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
  • Bil 18:19 : 19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
  • Bil 31:19 : 19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.
  • Yash 24:15 : 15 Oo hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.
  • Bax 19:14 : 14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
  • Yash 24:23 : 23 Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Bil 31:34 : 34 Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.
  • 1 Sam 7:3 : 3 Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
  • 1 But 2:1-2 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
  • Yuud 1:23 : 23 qaarna dabka ka dhufta oo badbaadiya, qaarna u naxariista idinkoo cabsanaya oo nacaya xataa dharka jiidhka ku wasakhoobay.
  • 2 Sam 7:23 : 23 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda?
  • 2 Boq 5:10 : 10 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
  • 2 Boq 5:12-13 : 12 War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan. 13 Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
  • 2 Boq 17:29 : 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen.
  • 1 Taar 16:26 : 26 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
  • Ayuub 1:5 : 5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.
  • Sab 51:2 : 2 Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.
  • Sab 51:7 : 7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
  • Sab 101:2-7 : 2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman. 3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono. 4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono. 5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono. 6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona. 7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
  • Wacd 5:1 : 1 ¶ Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.
  • Ish 1:16 : 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
  • Ish 52:11 : 11 Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.
  • Yer 5:7 : 7 Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
  • Yer 13:27 : 27 Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?
  • Yer 16:20 : 20 Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?
  • Yex 18:31 : 31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
  • Yex 20:7 : 7 oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
  • Daan 5:4 : 4 Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.
  • Yoox 13:10-11 : 10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha. 11 Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.
  • Fal 19:26 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
  • 1 Kor 10:7 : 7 Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.
  • 2 Kor 6:15-17 : 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17 Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • Gal 4:8 : 8 ¶ Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.
  • Cib 10:22 : 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
  • Yac 4:8 : 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya.
  • Bil 34:2 : 2 Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii.
  • Bil 34:24-25 : 24 Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan. 25 Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan.
  • Bil 35:22 : 22 Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.
  • Xaak 10:16 : 16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
  • Ruud 1:15 : 15 Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal.
  • Yash 24:20 : 20 Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
  • Bax 20:3-4 : 3 ¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan. 4 ¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
  • Bax 23:13 : 13 Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
  • Laaw 15:5 : 5 Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
  • Laaw 17:16 : 16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
  • Tir 31:24 : 24 Oo dharkiinnana waa inaad maalinta toddobaad maydhaan, oo markaas daahir baad ahaanaysaan oo kolkaas dabadeed waa inaad xerada soo gashaan.
  • Sharc 5:7 : 7 ¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
  • Sharc 6:14 : 14 Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,
  • Sharc 7:25 : 25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
  • Sharc 11:28 : 28 habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.
  • Sharc 32:16 : 16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
  • Yash 23:7 : 7 Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,
  • Yash 24:2 : 2 Oo Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

  • Bil 35:3-6
    4 aayado
    75%

    3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

    4Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.

    5Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.

    6Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.

  • 32Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

  • 23Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 3Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 4¶ Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:

  • Bil 28:20-21
    2 aayado
    70%

    20Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho,

    21oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah,

  • 15Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub;

  • 30Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

  • 7oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

  • 20Oo waxaad kaloo daahirsataan dhar kasta iyo inta haragga laga sameeyey oo dhan, iyo wax kasta oo dhogor riyaad ah, iyo alaab kasta oo qoryo laga sameeyeyba.

  • 6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

  • 17Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;

  • Bil 28:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Isxaaqna wuxuu u yeedhay Yacquub, wuuna u duceeyey, oo wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan.

    2Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.

  • 9Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:

  • 10Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,

  • 10Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil.

  • 35Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 22Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!

  • 1¶ Yacquubna wuxuu degay dhulkii aabbihiis qariibka ku ahaan jiray, oo ahaa dalkii Kancaan.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • 13Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.

  • 25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • 15Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

  • 47Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.

  • 2Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.

  • 6Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.

  • 24Oo dharkiinnana waa inaad maalinta toddobaad maydhaan, oo markaas daahir baad ahaanaysaan oo kolkaas dabadeed waa inaad xerada soo gashaan.