Bilowgii 39:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Yuusuf waxaa la jiray Rabbiga, wuuna u roonaaday, kii xabsiga hayayna raalli buu uga dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 3:21 : 21 Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,
  • Bax 11:3 : 3 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
  • Bil 39:2 : 2 Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.
  • Daan 1:9 : 9 Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
  • Fal 7:9-9 : 9 ¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar; 10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.
  • Bax 12:36 : 36 oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.
  • Sab 105:19 : 19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
  • Sab 105:22 : 22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
  • Sab 106:46 : 46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
  • Maah 16:7 : 7 Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
  • Ish 41:10 : 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
  • Ish 43:2 : 2 Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.
  • Room 8:31-32 : 31 ¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
  • Room 8:37 : 37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.
  • 1 But 3:13-14 : 13 ¶ Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona? 14 Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.
  • 1 But 3:17 : 17 Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.
  • 1 But 4:14-16 : 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah. 15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale. 16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.
  • Daan 6:22 : 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin.
  • Bil 40:3 : 3 Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.
  • Bil 49:23-24 : 23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay, Wayna toogteen oo silciyeen; 24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
  • Bil 21:22 : 22 ¶ Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 39:22-23
    2 aayado
    85%

    22Kii xabsiga hayayna wuxuu Yuusuf gacanta u geliyey maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo dhan; oo wax kastoo ay halkaas ku sameeyeenna, wuxuu ahaa kii sameeyey.

    23Kii xabsiga hayayna ma uu eegi jirin waxa isaga gacantiisa ku jira, maxaa yeelay, Rabbigaa la jiray isaga, wixii uu sameeyeyna Rabbigu waa liibaaniyey.

  • Bil 39:19-20
    2 aayado
    85%

    19Markii sayidkiisii maqlay hadalkii naagtiisa, oo ay kula hadashay isaga, iyadoo leh, Addoonkaagii sidan buu igu sameeyey, ayuu cadhooday.

    20Markaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.

  • Bil 39:1-7
    7 aayado
    84%

    1¶ Yuusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa.

    2Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.

    3Sayidkiisiina wuu arkay in Rabbigu liibaaniyey wixii uu sameeyey oo dhan.

    4Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey.

    5Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

    6Wixii uu lahaa oo dhanna Yuusuf gacantiisuu kaga tegey. Waxbana kama ogayn wixii uu hayay, wixii uu cuni jiray mooyaane. Yuusufna aad buu u quruxsanaa, wuuna suurad wanaagsanaa.

    7Oo waxay noqotay waxyaalahaas ka dib in naagtii sayidkiisu ay fiirisay Yuusuf, oo ay ku tidhi, Kaalay ila jiifso.

  • Bil 40:3-5
    3 aayado
    77%

    3Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.

    4Madaxii waardiyayaashuna Yuusuf amar buu u siiyey iyagii, wuuna u adeegi jiray iyagii; intii wakhti ahna xabsigay ku jireen.

    5Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

  • Fal 7:9-10
    2 aayado
    77%

    9¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;

    10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

  • Bil 40:14-15
    2 aayado
    74%

    14Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi;

    15waayo, waxaa layga soo xaday dhulka Cibraaniyada, oo halkanna kuma aan samayn wax ay iigu ridaan godxabsiga.

  • 10Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray;

  • 39Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh.

  • 17Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.

  • 21Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon;

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.

  • 41¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

  • 15¶ Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,

  • 23Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.

  • 17Markaasuu kulligood muddo saddex maalmood ah wada xabbisay.