Bilowgii 41:52

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 49:22 : 22 Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.
  • Bil 50:23 : 23 Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.
  • Bil 17:6 : 6 Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.
  • Bil 28:3 : 3 Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,
  • Bil 29:32-35 : 32 Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa. 33 Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon. 34 Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi. 35 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.
  • Bil 30:6-9 : 6 Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan. 7 Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad. 8 Oo Raaxeelna waxay tidhi, Legdan aad u weyn baan walaashay la legdamay, waanan ka adkaaday. Magiciisiina waxay u bixisay Naftaali. 9 Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto. 10 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay. 11 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad. 12 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub. 13 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.
  • Bil 48:16-19 : 16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen. 17 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa. 18 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar. 19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.
  • Sab 105:17-18 : 17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan. 18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
  • Ish 40:1-2 : 1 ¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Aam 6:6 : 6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
  • Fal 7:10 : 10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 41:50-51
    2 aayado
    84%

    50Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon.

    51Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan.

  • Bil 48:12-21
    10 aayado
    74%

    12Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.

    13Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.

    14Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii.

    15Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,

    16iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen.

    17Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.

    18Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar.

    19Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

    20Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh.

    21Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.

  • 28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • Bil 48:4-5
    2 aayado
    73%

    4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

    5Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.

  • Bil 30:23-24
    2 aayado
    73%

    23Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

    24Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.

  • 1¶ Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim.

  • 20Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.

  • 23Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.

  • 10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

  • 53Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen.

  • Bil 45:5-8
    4 aayado
    70%

    5Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.

    6Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.

    7Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.

    8Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.

  • 9Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

  • 13Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.

  • 14oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.

  • 2Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.

  • 4midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.

  • 5Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

  • 17Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.

  • 1¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

  • 12Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.

  • 43oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan.

  • 22Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.

  • 41¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

  • 31barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

  • 22Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.

  • 37Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

  • 22Oo aabbahood Efrayimna maalmo badan ayuu aawadood u barooranayay, laakiinse waxaa isaga u yimid walaalihiis inay tacsiyeeyaan.

  • 21Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.