Bilowgii 46:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 30:6 : 6 Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan.
  • Bil 35:25 : 25 Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.
  • Bil 49:16-17 : 16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood. 17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta, Iyo jilbis waddada dhex yaal, Oo fardaha cedhbaha ka qaniina, Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
  • Tir 1:12 : 12 Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.
  • Tir 1:38-39 : 38 ¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 39 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
  • Tir 10:25 : 25 Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.
  • Tir 26:42-43 : 42 ¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen. 43 Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.
  • Sharc 33:22 : 22 Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
  • 1 Taar 2:2 : 2 iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.
  • 1 Taar 7:12 : 12 iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.
  • 1 Taar 12:35 : 35 Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 26:42-43
    2 aayado
    80%

    42¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.

    43Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.

  • 24Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.

  • 1 Taar 2:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • 12Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.

  • 39iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.

  • Bax 1:3-4
    2 aayado
    70%

    3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

    4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • Bil 35:24-25
    2 aayado
    70%

    24Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

    25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

  • Bil 46:21-22
    2 aayado
    70%

    21Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

    22Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

  • 11Oo Xushiimna wuxuu ka dhalay Abiituub iyo Elfacal.

  • 69%

    12iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.

    13¶ Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.

  • Bil 46:9-10
    2 aayado
    68%

    9Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

    10Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

  • Bil 46:13-14
    2 aayado
    68%

    13Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

    14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

  • Tir 1:38-39
    2 aayado
    68%

    38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    39intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

  • 68%

    47Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.

    48Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

  • 29Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.

  • 19reer Xaashumna laba boqol iyo saddex iyo labaatan,

  • 24iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon.

  • 49iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.

  • 20Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed.

  • 46iyo reer Xagaab, iyo reer Shalmay, iyo reer Xaanaan,

  • 2Wiilashii Fiinexaas waxaa ka socday Gershoom, wiilashii Iitaamaarna Daanyeel; wiilashii Daa'uudna Xatuush,

  • 26Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

  • 19Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

  • Bil 46:16-17
    2 aayado
    66%

    16Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.

    17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • 23Kii lix iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xananyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 40¶ Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 6Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan.