Bilowgii 47:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 46:33-34 : 33 Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay? 34 waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.
  • Aam 7:14-15 : 14 Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada, 15 oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.
  • Yoon 1:8 : 8 Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?
  • 2 Tes 3:10 : 10 Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin.
  • Bil 4:2 : 2 Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 46:31-34
    4 aayado
    88%

    31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

    32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

    33Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?

    34waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.

  • Bil 47:4-8
    5 aayado
    85%

    4Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

    5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

    6Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

    7Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.

    8Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay?

  • Bil 47:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

    2Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon.

  • Bil 45:16-18
    3 aayado
    80%

    16¶ Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba.

    17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

    18oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

  • 19Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?

  • Bil 37:12-13
    2 aayado
    76%

    12¶ Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.

    13Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Miyaanay walaalahaa adhigii daajinayn Shekem? Bal kaalay, xaggoodaan kuu dirayaaye. Markaasuu isna ku yidhi, Waa i kan.

  • 19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

  • 7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

  • 16Isna wuxuu yidhi, Waxaan doondoonayaa walaalahay. Waan ku baryayaaye, ii sheeg meesha ay adhigii daajinayaan.

  • 18Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.

  • 25Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.

  • Bil 47:17-19
    3 aayado
    74%

    17Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.

    18Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

    19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

  • 7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

  • 10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

  • Bil 42:13-14
    2 aayado
    72%

    13Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo.

    14Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin.

  • Fal 7:12-13
    2 aayado
    72%

    12Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.

    13Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • 10Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

  • 8iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.

  • 3Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

  • 7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

  • Bil 47:11-12
    2 aayado
    71%

    11Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray.

    12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 55Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

  • 15Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

  • 1¶ Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa?

  • 27Isna markaasuu nabdaadiyey iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii duqa ahaa oo aad sheegteen oo aabbihiin ahaa ma ladan yahay? Weli miyuu nool yahay?