Bilowgii 49:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 33:15-16 : 15 Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah, 16 Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
  • Xab 3:6 : 6 Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay, Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay. Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen, Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen. Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
  • Fal 7:9 : 9 ¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;
  • Ef 1:3 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
  • Bil 27:27-29 : 27 Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey, 28 Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan. 29 Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.
  • Bil 27:39-40 : 39 Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada. 40 Oo waxaad ku noolaan doontaa seeftaada, walaalkaana waad u adeegi doontaa, Oo waxaa dhici doonta markaad xukunka qabsato Inaad harqoodkiisa surkaaga ka tuuri doonto.
  • Bil 28:3-4 : 3 Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan, 4 oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.
  • Bil 37:28 : 28 Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.
  • Tir 6:2 : 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco,
  • Sab 89:36 : 36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
  • Sab 105:17-22 : 17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan. 18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah, 19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey. 20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay. 21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan, 22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
  • Sab 132:18 : 18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
  • Ish 54:10 : 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Ish 66:5 : 5 ¶ Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.
  • Yex 37:25-26 : 25 Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa. 26 Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.
  • Yoon 2:6 : 6 Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,

    16Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.

  • Bil 49:24-25
    2 aayado
    82%

    24Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)

    25Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.

  • Bil 48:11-22
    12 aayado
    78%

    11Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.

    12Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.

    13Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.

    14Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii.

    15Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,

    16iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen.

    17Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.

    18Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar.

    19Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

    20Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh.

    21Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.

    22Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

  • 13Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,

  • Bil 27:28-29
    2 aayado
    76%

    28Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.

    29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.

  • 22Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.

  • 28¶ Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.

  • 2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)

  • 9Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

  • 7Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.

  • 8Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan. Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda, Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,

  • 12Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.

  • 4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 5Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

  • Bil 48:3-4
    2 aayado
    71%

    3Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,

    4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

  • 28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

  • 10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

  • 11Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray.

  • 39Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.

  • 3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

  • 6Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan.