Bilowgii 6:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 1:29-30 : 29 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto; 30 oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.
  • Ayuub 38:41 : 41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?
  • Ayuub 40:20 : 20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
  • Sab 35:6 : 6 Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
  • Sab 104:27-28 : 27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon. 28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
  • Sab 136:25 : 25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Sab 145:16 : 16 Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
  • Sab 147:9 : 9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
  • Mat 6:26 : 26 Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 6:18-20
    3 aayado
    81%

    18Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    19Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

    20Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

  • Bil 8:15-17
    3 aayado
    76%

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

    16Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

  • Bil 9:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

    2Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.

    3Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.

  • 22Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

  • Bil 1:29-30
    2 aayado
    75%

    29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

    30oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.

  • Bil 7:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

    2Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;

    3haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

  • Bil 7:14-16
    3 aayado
    74%

    14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

    15Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

    16Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.

  • Bil 7:8-9
    2 aayado
    74%

    8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

    9Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

  • 7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

  • 19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 6Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.

  • 20Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

  • 16Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

  • 21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

  • 36Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

  • 23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

  • 27Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.

  • 16Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

  • Bil 6:13-14
    2 aayado
    70%

    13¶ Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.

    14Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba.

  • Bil 9:7-8
    2 aayado
    70%

    7Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.

    8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • 22Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

  • 22Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?

  • 11¶ Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

  • 22Oo waxaad iyaga u cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen.

  • 9¶ Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.