Cibraaniyiintii 2:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 5:2 : 2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.
  • Yoox 10:29 : 29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.
  • Cib 7:25-26 : 25 Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga. 26 ¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,
  • 2 But 2:9 : 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
  • Muj 3:10 : 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.
  • Cib 4:15-16 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn. 16 Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.
  • 1 Kor 10:13 : 13 Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.
  • 2 Kor 12:7-9 : 7 ¶ Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadeed, waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shayddaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin. 8 Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. 10 Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
  • Fil 3:21 : 21 Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
  • Cib 5:7-9 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa. 8 In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday; 9 oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.
  • Mat 4:1-9 : 1 ¶ Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo. 2 Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday. 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda. 4 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado. 5 Markaasaa Ibliisku magaaladii quduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka 6 oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa, Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan, Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. 7 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin. 8 ¶ Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda. 9 Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid. 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.
  • Mat 26:37-39 : 37 Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo. 38 Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda. 39 Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.
  • Luuk 22:53 : 53 Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 2:14-17
    4 aayado
    81%

    14Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,

    15iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada.

    16Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim.

    17Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.

  • Cib 4:14-16
    3 aayado
    80%

    14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

    15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

    16Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

  • Cib 5:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.

    2Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.

    3Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.

  • Cib 5:7-9
    3 aayado
    74%

    7Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.

    8In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;

    9oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.

  • Cib 2:9-11
    3 aayado
    73%

    9Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.

    10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

    11Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,

  • 73%

    12Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

    13Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.

  • Cib 7:25-27
    3 aayado
    72%

    25Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.

    26¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,

    27kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.

  • Yac 1:12-14
    3 aayado
    71%

    12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

    13Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.

    14Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.

  • Cib 12:2-4
    3 aayado
    70%

    2innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.

    3¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.

    4Idinkoo dembi la dagaallamaya weli iskama aydnaan celin ilaa dhiig idinka daato.

  • 1¶ Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga,

  • 69%

    19Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.

    20Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.

    21Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.

  • Cib 8:2-3
    2 aayado
    69%

    2kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

    3Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.

  • 9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • 68%

    23Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.

    24Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.

  • 1¶ Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.

  • 2¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,

  • 20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

  • 67%

    17Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.

    18Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.

  • 3haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,

  • 4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.

  • 28sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.

  • 26Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa.

  • 40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

  • 41Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

  • 28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.