Hosheeca 1:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:1-3 : 1 ¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas, 2 oo anna waxaan markhaatiyaal aamin ah u soo wadi doonaa wadaadkii Uuriyaah iyo Sekaryaah ina Yeberekyaah. 3 Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 1:1-2
    2 aayado
    83%

    1¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.

    2¶ Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.

  • Hos 1:4-6
    3 aayado
    77%

    4Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa.

    5Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

    6Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo.

  • 8¶ Oo haddana markii ay Lo-Ruxaamaah naaskii ka gudhisay ayay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil.

  • Hos 3:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

    2Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah.

    3Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

  • Xaak 11:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.

    2Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.

  • 3Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.

  • 13¶ Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.

  • Yer 2:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

    2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • 1¶ Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah.

  • Bil 38:1-3
    3 aayado
    68%

    1¶ Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.

    2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

    3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

  • 23Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

  • 5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

  • 6Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.

  • 1¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 13Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.

  • 14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 30Oo Gidcoon wuxuu lahaa toddobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo, wuxuu qabay naago badan.

  • 3Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba.

  • 66%

    17Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.

    18Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.

  • 13Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

  • Hos 2:7-8
    2 aayado
    66%

    7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

    8Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen.

  • 15Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.

  • 6Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar.

  • 6Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah.

  • Hos 2:1-3
    3 aayado
    66%

    1¶ Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah.

    2¶ Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,

    3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

  • 2in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.

  • 16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

  • 3Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.

  • 15oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.

  • 27Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.

  • 4Oo labadooda tan weyn waxaa la odhan jiray Aaholaah, oo walaasheed magaceeduna wuxuu ahaa Aaholiibaah, oo kuwaygay noqdeen, oo waxay dhaleen wiilal iyo gabdho. Haddaba magacyadoodu waa sidan, Aaholaah waa Samaariya, oo Aaholiibaahna waa Yeruusaalem.

  • 1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.