Hosheeca 1:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddana markii ay Lo-Ruxaamaah naaskii ka gudhisay ayay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 1:2-7
    6 aayado
    87%

    2¶ Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.

    3Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.

    4Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa.

    5Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

    6Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo.

    7Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.

  • Hos 1:9-10
    2 aayado
    78%

    9Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa Lo-Cammii, waayo, idinku dadkayga ma ahidin, oo aniguna Ilaahiin idiin ahaan maayo.

    10¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.

  • Ish 8:3-5
    3 aayado
    77%

    3Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.

    4Waayo, intaan yarku baran inuu yidhaahdo, Aabbe iyo Hooyo ka hor ayaa boqorka Ashuur maalka Dimishaq iyo xoolaha boolida ah oo Samaariyaba wada qaadan doonaa.

    5¶ Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,

  • Bil 29:33-35
    3 aayado
    74%

    33Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon.

    34Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.

    35Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

  • 72%

    16Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.

    17Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.

    18Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.

  • 23Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

  • Hos 2:1-5
    5 aayado
    72%

    1¶ Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah.

    2¶ Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,

    3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

    4Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.

    5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

  • Bil 38:3-5
    3 aayado
    71%

    3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

    4Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan.

    5Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.

  • 13¶ Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.

  • 23Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; oo iska joog ilaa aad naaska ka gudhisid, laakiinse Rabbigu eraygiisa ha adkeeyo. Sidaas aawadeed naagtii way iska joogtay oo wiilkii bay nuujisay ilaa ay naaskii ka gudhisay.

  • 6¶ Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.

  • 1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

  • 69%

    20Markaasay habeenbadhkii kacday, intii anoo addoontaada ahu aan hurday, oo ilmahaygii dhinacayga ka qaadatay, oo laabta gashatay, keedii dhintayna anigay laabta ii gelisay.

    21Oo markaan subaxdii toosay oo aan damcay inaan ilmahayga nuujiyo ayaan arkay inuu dhintay, laakiinse subaxdiiba markaan u fiirsaday ayaan ogaaday inuusan ahayn wiilkaygii aan dhalay.

  • 20Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.

  • 3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

  • 27Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.

  • 23Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil.

  • 12In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!

  • 16Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa.

  • 18Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.

  • Bil 19:37-38
    2 aayado
    67%

    37Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo'aab, isna waa reer Moo'aabka maanta joogo aabbahood.

    38Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.

  • 23Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • 16Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.

  • 19Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

  • 1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

  • 3Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,

  • 57¶ Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay.