Hosheeca 4:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 6:14 : 14 Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
  • Laaw 26:26 : 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.
  • Xag 1:6 : 6 Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
  • Mal 2:1-3 : 1 ¶ Haddaba, wadaaddadow, amarkan idinkaa laydiin soo diray. 2 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan. 3 Bal eega, farcankiinnaan canaanan doonaa, oo wejigiinnana waxaan ku firdhin doonaa uus, kaasoo ah uuska allabaryadiinna, oo waa laydinla qaadi doonaa.
  • Saf 1:6 : 6 iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
  • 2 Taar 24:17 : 17 ¶ Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay.
  • Sab 36:3 : 3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
  • Sab 125:5 : 5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
  • Maah 13:25 : 25 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
  • Ish 65:13-16 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan. 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa. 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
  • Yer 34:15 : 15 Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
  • Yex 18:24 : 24 Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
  • Hos 4:14 : 14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.
  • Hos 9:11-17 : 11 Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan. 12 In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago! 13 Sidii aan Turos u arkay ayaa reer Efrayim meel wacan lagu beeray, laakiinse reer Efrayim wuxuu carruurtiisa u soo bixin doonaa kan wax laaya. 14 Rabbiyow, iyaga wax sii. Maxaad siin doontaa iyaga? Waxaad siisaa maxal dhiciya iyo naaso gudhay. 15 Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin. 16 Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda. 17 Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.
  • 2 But 2:20-22 : 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 5:3-4
    2 aayado
    80%

    3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

    4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

  • Hos 4:11-15
    5 aayado
    78%

    11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

    12Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.

    13Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.

    14Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.

    15Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.

  • 18Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.

  • Yer 5:7-8
    2 aayado
    74%

    7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

    8Waxay la mid noqdeen sidii fardo aroortii la barqiyey, oo midkood kastaaba wuxuu ka daba dananay naagtii deriskiisa.

  • Hos 4:6-9
    4 aayado
    74%

    6Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.

    7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

    8Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.

    9Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaalmarin doonaa.

  • Hos 5:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

    7Rabbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.

  • Yex 16:28-29
    2 aayado
    73%

    28Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.

    29Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.

  • Hos 2:4-5
    2 aayado
    73%

    4Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.

    5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

  • Hos 9:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh.

    2Goobta hadhuudhka lagu tumo iyo macsarada khamriguba iyaga ma ay quudin doonaan, oo khamriga cusubuna wuu gabi doonaa.

  • 10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 10Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.

  • 5Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.

  • 14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • Yex 23:29-30
    2 aayado
    71%

    29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.

    30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • Bax 34:15-16
    2 aayado
    71%

    15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

    16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

  • 4Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • 17Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

  • 9Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.

  • 6Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

  • 17si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.

  • 21Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.

  • 8Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.

  • 4Iyagu Rabbiga uma ay shubi doonaan qurbaanno khamri ah, oo isagana kama ay farxin doonaan. Allabaryadoodu waxay iyaga ula mid noqon doonaan sida cuntada kuwa baroorta. In alla intii wax ka cuntaana way wada nijaasoobi doonaan, waayo, cuntadoodu waxay ahaan doontaa mid ay nafsadoodu u hamuunta, oo sooma ay geli doonto guriga Rabbiga.

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen.

  • 4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

  • 12Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.