Ishacyaah 1:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 43:24 : 24 Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii.
  • Aam 5:21 : 21 Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo.
  • Sak 11:8 : 8 Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.
  • Mal 2:17 : 17 ¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?
  • Ish 61:8 : 8 Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.
  • Aam 2:13 : 13 Bal eega, hoostiina baan ugu hoos riixmay sida gaadhiga xidhmooyin bal ah ka buuxan u riixmo.
  • Ish 7:13 : 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
  • Ish 29:1 : 1 ¶ Waxaa iska hoogtay Arii'eel, Arii'eel oo ah magaaladii Daa'uud degay. Sannad ba sannad ku dara, oo ciiduhuna sidooda ha u soo wareegeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 1:11-13
    3 aayado
    87%

    11Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.

    12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?

    13Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.

  • Aam 5:21-23
    3 aayado
    83%

    21Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo.

    22In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.

    23Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna.

  • Mal 1:12-14
    3 aayado
    74%

    12Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.

    13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?

    14Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.

  • 15Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.

  • 11Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.

  • 12Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.

  • 71%

    30Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

    31Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.

  • Ish 43:23-24
    2 aayado
    70%

    23Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan.

    24Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii.

  • 6Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.

  • 8Waxyaalahaygii quduuska ahaa waad quudhsatay, oo sabtiyadaydiina nijaas baad ka dhigtay.

  • 20Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.

  • 8Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.

  • 10Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.

  • Mal 1:7-8
    2 aayado
    68%

    7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

    8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.

  • 14Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?

  • 5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?

  • 15Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.

  • 3Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.

  • 5Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?

  • 6Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn.

  • 6Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.

  • 26Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 16Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.

  • 4Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay.

  • 23Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in bil ka bil iyo sabti ka sabti binu-aadmiga oo dhammuba ay u iman doonaan inay hortayda igu caabudaan.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 67%

    21Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

    22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 10Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.

  • 13¶ Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • 13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,

  • 8Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

  • 29War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?

  • 5Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

  • 16maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.