Ishacyaah 19:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 22:20-23 : 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi. 21 Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel. 23 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.
  • Yex 14:7-9 : 7 Waayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona. 8 Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 9 Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
  • 2 Tes 2:11 : 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
  • Yer 25:27 : 27 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.
  • Ish 47:10-11 : 10 Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto. 11 Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon.
  • Ayuub 12:25 : 25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.
  • Ish 19:2 : 2 ¶ Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.
  • Ish 28:7-8 : 7 Laakiinse kuwaasuba khamri bay ku ambadeen, oo waxay la dhacdheceen wax lagu sakhraamo. Oo wadaadkii iyo nebigiiba waxay ku ambadeen wax lagu sakhraamo, oo waxay aad ugu qasmeen khamri, oo waxay u habaabeen wax lagu sakhraamo. Riyada way ku ambadaan, oo garsooriddana way ku turunturoodaan. 8 Waayo, miisaskii oo dhan waxaa ka buuxsamay mantag iyo wasakh, oo xataa meel keliya oo nadiifsan lama arko.
  • Ish 29:9-9 : 9 ¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
  • Ish 29:14 : 14 sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
  • Yer 25:15-16 : 15 ¶ Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan. 16 Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.
  • Ayuub 12:16 : 16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
  • Yer 48:26 : 26 Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.
  • Mat 17:17 : 17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 19:12-13
    2 aayado
    80%

    12Haddaba meeye raggaaga xigmadda lahu? Oo bal haatan ha kuu sheegeen, oo ha ogaadeen waxa Rabbiga ciidammadu Masar ugu talaggalay.

    13Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah.

  • Ish 19:15-17
    3 aayado
    79%

    15Oo Masarna laguma arki doono shuqul ay samayn karaan madaxa ama dabadu, laanta ama cawsduurku toona.

    16¶ Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono.

    17Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.

  • Ish 19:1-5
    5 aayado
    73%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.

    2¶ Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.

    3Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta.

    4Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.

    5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

  • Ish 28:7-8
    2 aayado
    71%

    7Laakiinse kuwaasuba khamri bay ku ambadeen, oo waxay la dhacdheceen wax lagu sakhraamo. Oo wadaadkii iyo nebigiiba waxay ku ambadeen wax lagu sakhraamo, oo waxay aad ugu qasmeen khamri, oo waxay u habaabeen wax lagu sakhraamo. Riyada way ku ambadaan, oo garsooriddana way ku turunturoodaan.

    8Waayo, miisaskii oo dhan waxaa ka buuxsamay mantag iyo wasakh, oo xataa meel keliya oo nadiifsan lama arko.

  • 10Oo kuwa waddanka tiirarka u ah oo dhammuna way wada jabi doonaan, kuwa kiro u shaqeeyaana way murugoon doonaan.

  • 7Waayo, caawimaadda Masar waa wax aan waxba tarayn oo aan innaba qasdi lahayn, oo sidaas daraaddeed waxaan magaceedii u bixiyey Rahabta iska fadhida.

  • Ish 30:2-3
    2 aayado
    70%

    2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

    3Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.

  • 8Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.

  • 16Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.

  • 18Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.

  • 25Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.

  • 12Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.

  • 3Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.

  • 27Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.

  • 6Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.

  • 8Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.

  • Yex 29:9-10
    2 aayado
    69%

    9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

    10Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.

  • 18Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.

  • 4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

  • 7Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.

  • 44Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

  • 14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 20Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay.

  • 24Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.

  • 8Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.

  • 8Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.

  • 18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 16Waayo, dadkan hoggaamiyayaashoodu way qaldaan, oo kuwa la hoggaamiyaana way wada baabba'aan.

  • 12Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.

  • 13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

  • 25Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,

  • 7Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.

  • 15oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.

  • 3Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

  • 1Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.

  • Bax 7:21-22
    2 aayado
    67%

    21Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.

    22Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

  • 10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.