Ishacyaah 30:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 1:2 : 2 ¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.
  • Ish 29:15 : 15 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
  • Ish 30:9 : 9 waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan,
  • Ish 65:2 : 2 Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala,
  • Yer 4:17 : 17 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.
  • Yer 5:23 : 23 Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.
  • Yex 2:3 : 3 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.
  • Yex 3:9 : 9 Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
  • Yex 12:2-3 : 2 Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay. 3 Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
  • Hos 4:10-12 : 10 Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan. 11 Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan. 12 Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.
  • Hos 7:13 : 13 Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.
  • Fal 7:51-52 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • Ish 63:10 : 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
  • 1 Taar 10:13-14 : 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto, 14 oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.
  • Sab 61:4 : 4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
  • Sab 91:1-4 : 1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka. 2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo. 3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun. 4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
  • Ish 32:2 : 2 Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.
  • Tir 32:14 : 14 Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.
  • Sharc 9:7 : 7 ¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.
  • Sharc 9:24 : 24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.
  • Sharc 29:19 : 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
  • Ish 1:5 : 5 Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.
  • Ish 4:5 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.
  • Ish 5:18 : 18 ¶ Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,
  • Ish 8:12 : 12 Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.
  • Ish 8:19 : 19 ¶ Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood?
  • Ish 28:15 : 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
  • Ish 28:20 : 20 Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.
  • 2 Tim 3:13 : 13 Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.
  • Hos 13:2 : 2 Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.
  • Yex 3:26-27 : 26 Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay. 27 Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • Ish 30:9-10
    2 aayado
    77%

    9waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan,

    10oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?

  • Ish 31:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin.

    2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • Hos 7:13-14
    2 aayado
    73%

    13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

    14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

  • 1¶ Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora,

  • 18¶ Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.

  • 4Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.

  • 10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

  • 12¶ Haddaba sidaas daraaddeed kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku eraygan waad quudhsataan oo waxaad isku hallaysaan oo ku tiirsataan dulmi iyo qalloocnaan,

  • Yer 2:29-30
    2 aayado
    72%

    29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.

    30Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 19Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.

  • 9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 30Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;

  • 7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

  • Yer 11:10-11
    2 aayado
    72%

    10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

    11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 11¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

  • 23¶ Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.

  • 4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • Ish 28:14-15
    2 aayado
    71%

    14¶ Haddaba sidaas daraaddeed kuwiinna wax quudhsada oo dadkan Yeruusaalem deggan u taliyow erayga Rabbiga maqla.

    15Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,

  • 24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

  • 30¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.

  • 30Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.

  • 25Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;

  • 1¶ Waxaa iska hoogay kuwa Siyoon xasilloonaan ku nool, oo buurta Samaariya ammaan ku deggan, kuwaasoo ah kuwa caanka ah ee madaxda quruumaha oo dadka Israa'iil u yimaadaan!

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 28Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn, Oo innaba waxgarasho kuma jirto.

  • 11Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.

  • 22Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.

  • 19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 21¶ Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?