Ishacyaah 34:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 23:22 : 22 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
  • Sab 68:30 : 30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
  • Yer 50:27 : 27 Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda!
  • Sab 92:10 : 10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
  • Yer 46:21 : 21 Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.
  • Yer 50:11 : 11 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale,
  • Tir 24:8 : 8 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
  • Sharc 33:17 : 17 Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
  • Ayuub 39:9-9 : 9 Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa? 10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 34:5-6
    2 aayado
    80%

    5Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.

    6Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.

  • 8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.

  • 8Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.

  • 72%

    8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

    9Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?

    10Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?

  • Yex 39:17-20
    4 aayado
    72%

    17¶ Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.

    18Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.

    19Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.

    20Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.

  • 6Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.

  • 27Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda!

  • Ish 11:6-7
    2 aayado
    71%

    6Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar.

    7Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa.

  • Ish 34:2-3
    2 aayado
    71%

    2Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.

    3Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.

  • 17Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.

  • 22Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,

  • 17Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.

  • 14Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.

  • Yex 34:18-21
    4 aayado
    69%

    18Ma wax yar bay idinla tahay inaad daaq wanaagsan daaqdaan, laakiinse aad daaqa idiin hadha cagaha kula tumataan? iyo inaad biyo saafi ah iska cabtaan, laakiinse aad inta idiin hadha cagaha ku qastaan?

    19Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.

    20¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu iyaga ku leeyahay, Aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idaha buurbuuran iyo idaha caatada ah kala xukumi doona.

    21Maxaa yeelay, waxaad iyaga ku riixdaan dhinac iyo garab, oo kuwa cudurka qaba oo dhanna geesihiinnaad ku hardidaan ilaa aad kulligood kala firdhisaan.

  • 21Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.

  • 10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • 21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,

  • 40Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.

  • 34Adhijirradow, ooya oo qayliya; kuwa adhiga madaxda u ahow, dambas ku galgasha, waayo, wakhtigii laydin gowraci lahaa waa yimid. Waan idin burburin doonaa, oo waxaad u dhici doontaan sida weel wanaagsan oo kale.

  • 13Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • 9¶ Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.

  • 17Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

  • 25Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 5Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.

  • 3iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,

  • 25Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.

  • 13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

  • 30Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.

  • 15Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.

  • 17¶ Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.

  • 8Fardahoodu way ka sii dheereeyaan shabeelka, oo way ka sii cabsi badan yihiin yeyda fiidka, oo fardooleydooduna way iskala bixiyaan, haah, oo fardooleydooduna meel fog bay ka yimaadaan, oo waxay u soo duulaan sida gorgor u soo degdegaya inuu wax dhufsado oo cuno.

  • 11Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.

  • 25Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.

  • 37Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.

  • 10Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.