Ishacyaah 37:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 8:28-30 : 28 Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo, 29 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo. 30 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi.
  • 1 Boq 8:38 : 38 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,
  • 1 Boq 9:3 : 3 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.
  • 2 Boq 19:14 : 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
  • 2 Taar 6:20-42 : 20 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo. 21 Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi. 22 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal, 23 de markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay. 24 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qiraan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan, 25 markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay. 26 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid, 27 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay. 28 Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee, 29 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa, 30 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, ) 31 inay kaa cabsadaan oo ay jidkaaga maraan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay. 32 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan, 33 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho. 34 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 35 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel. 36 Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee, 37 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 38 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 39 de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay. 40 Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo. 41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen. 42 Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.
  • Sab 27:5 : 5 Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
  • Sab 62:1-3 : 1 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa. 2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo. 3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
  • Sab 74:10 : 10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
  • Sab 76:1-3 : 1 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay. 2 Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon. 3 Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
  • Sab 123:1-4 : 1 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa. 2 Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto. 3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. 4 Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
  • Sab 143:6 : 6 Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
  • Ish 37:1 : 1 ¶ Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
  • Yoel 2:17-20 : 17 Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda? 18 ¶ Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay. 19 Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo. 20 Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 98%

    13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?

    14¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.

    15Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.

    16Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo.

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,

  • Ish 37:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

    2Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.

  • 2 Boq 19:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

    2Markaasuu Elyaaqiim oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada, iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.

  • Ish 39:2-5
    4 aayado
    77%

    2Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.

    3Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.

    4Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.

    5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.

  • Ish 38:2-4
    3 aayado
    77%

    2Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi,

    3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

    4Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,

  • 77%

    13Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.

    14Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay ka yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.

    15Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.

    16Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 20¶ Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga.

  • 2 Boq 20:2-4
    3 aayado
    75%

    2Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,

    3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

    4Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,

  • 13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?

  • 20¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, taas aawadeed waan ku maqlay.

  • 5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen Ishacyaah.

  • 22Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?

  • 22Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

  • 17Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.

  • 17Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.

  • 20Markaasaa Boqor Xisqiyaah iyo Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u tukadeen xaalkan aawadiis, oo waxay qaylo gaadhsiyeen samada.

  • 9¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

  • 15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.

  • 37Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

  • 30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

  • 21Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.

  • 18Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

  • 20Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.

  • 10Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

  • 72%

    23Oo dad badan ayaa Rabbiga Yeruusaalem ugu keeneen hadiyado, oo Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna waxay u keeneen waxyaalo qaali ah, sidaas aawadeed markaas intii ka dambaysay ayaa isaga loogu sarraysiiyey quruumaha oo dhan hortooda.

    24¶ Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday, markaasuu Rabbiga baryay, oo isna intuu la hadlay ayuu calaamad u sameeyey.

  • 1¶ Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

  • 9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,

  • 26Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.

  • 9¶ Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.

  • 1¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.