Ishacyaah 44:16
Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.
Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa.
15Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa.
19Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis?
20Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
17Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.
4Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
5Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
10Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.
11Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.
20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
48Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
11Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.
32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.
18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.
19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.
20Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.
15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.
16Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.
14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
4¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.
16¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.
12Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa.
11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
3Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro.
25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
5Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.
38Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.
17Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.
8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.
31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
19Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
22Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
16Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla.
6Waayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.
29waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.
16Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay.
12Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.
21Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.
14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.
9Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba.
16War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?
16Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.