Ishacyaah 51:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 34:4 : 4 Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.
  • Mat 24:35 : 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Ish 40:26 : 26 Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.
  • 2 But 3:10-12 : 10 ¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa. 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado, 12 idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan.
  • Muj 6:12-14 : 12 ¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale; 13 oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo. 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.
  • Sab 102:25-26 : 25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga. 26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
  • Ish 51:8 : 8 Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
  • Yoox 10:27-29 : 27 Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan. 28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda. 29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.
  • Cib 1:10-12 : 10 Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga, 11 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan, 12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
  • Ish 45:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
  • Muj 20:11 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
  • Cib 9:15 : 15 ¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.
  • Ish 50:9 : 9 Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
  • Sab 103:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
  • Ish 13:13 : 13 Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.
  • Sharc 4:19 : 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
  • Sab 8:3-4 : 3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay, 4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
  • Daan 9:24 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.
  • Yoox 3:15-16 : 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah. 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Yoox 5:24 : 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.
  • Cib 5:9 : 9 oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.
  • Cib 9:12 : 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.
  • 2 Tes 2:16 : 16 ¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 51:7-8
    2 aayado
    80%

    7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

    8Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.

  • 5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.

  • 26Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,

  • Cib 1:11-12
    2 aayado
    74%

    11Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,

    12Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.

  • 31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

  • Ish 24:4-5
    2 aayado
    73%

    4Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.

    5Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.

  • 35Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • 33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • Ish 40:7-8
    2 aayado
    72%

    7Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale.

    8Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.

  • Ish 60:20-21
    2 aayado
    72%

    20Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.

    21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

  • 13Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

  • 10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

  • Ish 65:16-17
    2 aayado
    71%

    16Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.

    17¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

  • 22Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.

  • 11Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

  • 13Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.

  • 6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

  • 4Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 5oo waxaa la muujin doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna way wada arki doonaan, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 36Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan.

  • 9Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.

  • 22Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

  • 16Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.

  • Ayuub 7:8-9
    2 aayado
    69%

    8Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.

    9Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.

  • 19Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,

  • 4Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • 14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.

  • 22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 21Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

  • 24Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 7Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey.

  • 10¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.

  • 11Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.

  • 16Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.

  • 27¶ Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.