Ishacyaah 59:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 113:3 : 3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
  • Ish 49:12 : 12 Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.
  • Muj 20:1-3 : 1 ¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. 2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, 3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
  • Sab 22:27 : 27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
  • Sab 102:15-16 : 15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada, 16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
  • Ish 11:9-9 : 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan. 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa. 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba. 12 Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah. 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan. 14 Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan. 15 Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan. 16 Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
  • Ish 24:14-16 : 14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda. 16 ¶ Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
  • Ish 30:28 : 28 Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
  • Ish 66:18-20 : 18 Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan. 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
  • Daan 7:27 : 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
  • Saf 3:8-9 : 8 ¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda. 9 ¶ Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.
  • Sak 4:6 : 6 Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga.
  • Mal 1:11 : 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
  • 2 Tes 2:8 : 8 Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono.
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • Muj 12:10 : 10 ¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.
  • Muj 12:15-17 : 15 Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado. 16 Markaasaa dhulku naagtii caawiyey, oo afka kala qaaday, oo wuxuu liqay webigii masduulaagu afkiisa ka soo tuuray. 17 Oo masduulaagii aad buu ugu sii cadhooday naagtii, oo wuxuu u soo kacay inuu la diriro farcankeedii kale oo hadhay oo amarrada Ilaah xajiyo oo Ciise u markhaati furo.
  • Muj 17:14-15 : 14 Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah. 15 ¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.

  • 26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.

  • 13Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.

  • Nax 1:8-9
    2 aayado
    71%

    8Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.

    9War maxaad Rabbiga la damacsan tihiin? Isagu wuu wada baabbi'in doonaa. Dhibaatana mar labaad soo ma kici doonto.

  • 14¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.

  • Ish 30:27-28
    2 aayado
    70%

    27¶ Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.

    28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.

  • 15Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,

  • 5Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • 5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 7Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?

  • 18Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaalmarin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaalgudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa.

  • 22¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.

  • Ish 60:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.

    2Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa.

  • 32¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, masiibaa soo bixi doonta oo quruun bay quruun kale uga sii gudbi doontaa, oo duufaan weyn ayaa laga soo kicin doonaa dhulka darafyadiisa.

  • 30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.

  • 3Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.

  • Ish 24:14-15
    2 aayado
    69%

    14Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.

    15Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

  • 3Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.

  • 20Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 19Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.

  • 27Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Warroy dalka woqooyi ka carara, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin kala firdhiyey sida afarta dabaylood oo samada.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 10Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 5Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.

  • 19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.

  • 2Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.

  • 5Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto.

  • 7haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,

  • 11¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.

  • 8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • 2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.

  • 10Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

  • 9Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan.

  • 6Calan u taaga xagga Siyoon, carara oo ha joogsanina, waayo, anigu waxaan xagga woqooyi ka keeni doonaa masiibo iyo halligaad weyn.

  • 5Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.

  • 15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.

  • 9Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.

  • 12Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.