Ishacyaah 7:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 38:7-8 : 7 Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: 8 bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
  • Ish 37:30 : 30 ¶ Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
  • Xaak 6:36-40 : 36 Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid, 37 bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay. 38 Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah. 39 Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Cadhadaadu yaanay igu kululaan oo markan keliya ayaan hadlayaa. Markan keliya aan dhogorta wax ku hubsado, waan ku baryayaaye. Bal markan dhogorta keliya engeg ha noqoto, laakiinse dhulka kale oo dhammu dharab ha lahaado. 40 Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.
  • 2 Boq 19:29 : 29 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
  • 2 Boq 20:8-9 : 8 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo? 9 Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo? 10 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Waa wax fudud in hoosku toban derejo hore u socdo; hase ahaatee, hoosku dib ha u soo noqdo toban derejo, 11 Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.
  • Ish 38:22 : 22 Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?
  • Yer 19:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid,
  • Yer 19:10 : 10 Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
  • Yer 51:63-64 : 63 Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa. 64 Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan. Intaasu waa erayadii Yeremyaah.
  • Mat 12:38-40 : 38 ¶ Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno. 39 Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee. 40 Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.
  • Mat 16:1-4 : 1 ¶ Waxaa u yimid Farrisiintii iyo Sadukiintii iyagoo jirrabaya, oo waxay ka baryeen inuu calaamo cirka ka tuso. 2 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Goortii ay makhrib tahay waxaad tidhaahdaan, Waxay noqonaysaa maalin wanaagsan, waayo, cirku waa guduudan yahay. 3 Aroortiina waxaad tidhaahdaan, Maanta roob baa da'aya, waayo, cirku waa guduudan yahay, waana kicinsan yahay. Waxaad taqaaniin sida loo garto muuqashada cirka, laakiin ma kala garan kartaan calaamooyinka wakhtiyada. 4 Waxaa calaamo doonaya qarni shareed oo sina leh, calaamose lama siin doono calaamadii Yoonis maahee. Markaasuu iska daayay iyaga oo ka tegey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10¶ Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Ish 7:12-14
    3 aayado
    81%

    12Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.

    13Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?

    14Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.

  • 7Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:

  • 22Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?

  • 2 Boq 20:8-9
    2 aayado
    71%

    8Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?

    9Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?

  • 32¶ Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.

  • 16Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso.

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 12War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!

  • 7Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 8Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?

  • 3¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha,

  • 11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?

  • 19oo sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.

  • 1¶ Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.

  • 7Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

  • 24¶ Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday, markaasuu Rabbiga baryay, oo isna intuu la hadlay ayuu calaamad u sameeyey.

  • 12¶ Oo samadana kuma uu jiro si aad u tidhaahdaan, Bal yaa samada noo kori doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona aannu amarkaas yeelnee?

  • 11Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.

  • 16Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.

  • 16Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.

  • 22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 3Oo isla maalintaasba calaamad buu tusay oo wuxuu yidhi, Tanu waa calaamaddii Rabbigu ku hadlay: Bal ogaada, meesha allabarigu way kala dillaaci doontaa oo dambaska saaranuna wuu soo daadan doonaa.

  • 10Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya?

  • 1¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • 2Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.

  • 7¶ Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee.

  • 66%

    11War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?

    12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 23Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 17Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.

  • 18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 4Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,

  • 34Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

  • 6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 5¶ Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,

  • 17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.

  • 7¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

  • 23¶ Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,

  • 11¶ Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weyddiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay: