Yacquub 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 9:19-20 : 19 ¶ Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay?
  • Yac 1:2 : 2 ¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,
  • Bil 3:12 : 12 Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.
  • Ish 63:17 : 17 Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
  • Xab 2:12-13 : 12 ¶ Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya! 13 Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yac 1:14-18
    5 aayado
    84%

    14Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.

    15Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.

    16Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow.

    17Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.

    18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

  • 78%

    12Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

    13Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.

  • 12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

  • Luuk 4:12-13
    2 aayado
    73%

    12Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

    13¶ Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.

  • 7Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

  • 9Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen.

  • 7Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.

  • 9Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah.

  • 7Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.

  • 18Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

  • Yac 1:2-3
    2 aayado
    71%

    2¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,

    3idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.

  • 16¶ Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah ugu jirrabteen oo kale.

  • 1¶ Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo.

  • 5¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.

  • 10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

  • 20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • 8Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

  • 15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 18¶ Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto.

  • 18Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

  • 68%

    15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

    16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.

  • Mat 4:3-4
    2 aayado
    68%

    3Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.

    4Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.

  • 9Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.

  • 22Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.

  • 13Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

  • 8Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.

  • 68%

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

  • 15Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.

  • 1¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

  • 27Ibliiskana meel ha siinina.

  • 9Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

  • 7Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.

  • 38Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

  • 22Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin.

  • 5mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin;

  • 11¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.

  • 6Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye.

  • 3Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.

  • 13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.